Somaliland Oo Mabnuucday Tubaako Muran Badan Dhalisay

0
Wednesday July 15, 2020 - 13:02:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Mabnuucday Tubaako Muran Badan Dhalisay

    Somaliland Oo Mabnuucday Tubaako Muran Badan Dhalisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Mabnuucday Tubaako Muran Badan Dhalisay




Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo lagu mamnuucayo Tubaako halis ah ku ah Caafimaadka Bulshada oo la sheegay in geliyay gudaha Magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland.
WHOLE TOBBACO LEAVES AND TOBACCO PRODUCTS products,Cameroon WHOLE ...


Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa waxaa lagu sheegay in Tukaabada LYFT gebi ahaan aan laga soo gelin karin Hargeysa iyo guud ahaan deegaanada Somaliland, isla markaana aan laga ganacsan karin.

Sidoo kale Qoraalka Wasiir Maxamuud Sacad ayaa waxaa lagu sheegay in Tukaabadii LYFT ee hore loo geliyay Somaliland si rasmi ah loola wareegi doono, maadaama Tukabadaas ay halis Caafimaad ku tahay Bulshada.

Hay’addaha ammaanka Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa la faray inay kormeer iyo dabagal ku sameeyaan Arrinta Tubaakada, iyadoo la xusay in cidii lagu arkayo iyada oo ganacsaneysa laga qaadi tallabo sharciga waafaqsan.

Si kastaba Tukaabada LYFT ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Somaliland, Golaha Guurtida iyo asxaabta mucaaridka ah, iyagoo sheegay in arrintaas ay halis ah ku tahay Caafimaadka Bulshada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasiir Maxamuud Xasan Sacad.


Loading...
Loading...