Wafdi ka baxaya Dhuusamareeb oo maanta ku wajahan Garowe

0
Wednesday July 15, 2020 - 11:41:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka baxaya Dhuusamareeb oo maanta ku wajahan Garowe

    Madaxdan ayaa ka amba-baxday magaalada Dhuusamreeb oo maalmihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxdan ayaa ka amba-baxday magaalada Dhuusamreeb oo maalmihii




Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa goor dhaw u amba baxay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

 

Madaxdan ayaa ka amba-baxday magaalada Dhuusamreeb oo maalmihii u dambeeyey ay ku sugnaayeen, waxayna Garowe uga qeyb gelayaan aas Qaran oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir iyo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi.

 

Wafdigan waxaa ka sii horeeyey wafdi kale oo uu hoggaaminayey madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gelinkii dambe ka baxay Dhuusamareeb, isla markaana gaaray Garowe.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in Khamiista berrito uu gaaro Garowe, si uu uga qeyb galo aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax.


Loading...
Loading...