Wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb iyo wafdi maanta ku wajahan

0
Wednesday July 15, 2020 - 11:32:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb iyo wafdi maanta ku wajahan

    Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed oo ku magac dheer Falagle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed oo ku magac dheer Falagle




Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ,halkaas oo la filayo inay kulan ku yeeshaan Madaxda Dowladda Soomaaliya & Dowlad goboleedyada.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Dowlad goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed oo ku magac dheer Falagle ayaa xaqiijiyay safarka madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ay ka socoto Magaalada Dhuusamareeb.

 

Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle in markii Madaxda Dowlad goboleedyada ay kasoo laabtaan Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya xasan Abshir Faarax oo ka dhacayo Garoowe in xilliga rasmiga ah uu Madaxweynaha imaanayo Dhuusamareeb lagala shirayo Ra’iisul Wasaaraha.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka warfaafinta Galmudug in wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb uu dhici doono waqtiga ugu dhow,isla markaana uu rajeynayo in wax wanaagsan ay kasoo baxaan Shirkaasi.

 

Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo soca tegi doona wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 


Loading...
Loading...