Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988. Qeybta 6aad

0
Wednesday July 15, 2020 - 09:24:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988. Qeybta 6aad

    Qorshihii dagaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshihii dagaalka

 

 

@Cadaadley:waxa jirey in hogaanka dagaalka ee aaga dhexe, ay mideysnaa, aqoonta durugsan ama khibrada dagaal hadey tahey, mid qaab-dagaal ciidan dawladeed(conventional war) ama jabhadeed(gorilla war), ay ku urursaneyd tiro xadidan sida Xuseen-Dheere, Maxamed-Cali iyo Cabdilahi Biixi Odey(Saanjin-Godh-godh). Iyagoo, intuba raacayay dariiq jeexan oo dejisnaa, ilaa 1986-kii, waxaana ka go’neyd in ay tubtaas kusii socdaan.

 

(b) Cadaadley:taliyihii guud ee ciidanka SNM ee cusbaa, Korneyl Jamac Cali Cilmi, oo ahaa, sarkaalka kaliya ee isagoo taliye gaas ah oo waqooyi jooga, ku biirey SNM-ta. Sidaas la-ajligeed, waxa uu Jaamac ka warqabey, awooda ciidanka Siyaad Barre, ee ku sugnaa aaga Cadaadley iyo jiidaha ay xukunto, iyo sida aaney iskugu dheeli tirneyn dadweynaha shacabka ee meeshaas degani. Taas oo macneheedu yahay, in markasta jabhadu ku xisaabtami jirtey, dadweynaha, dhanka taakuleynta iyo ciidan ku biira labadaa. Sidaas darteed Taliye Jaamac Cali Cilmi, waxa uu ogaadey dagaalka Cadaadley noqonayo dagaal dhankasta faqashta u roon(Asymmetric War). Waxaana hodanti ah in aanu ka fiirsaneyn hogaan, khibrad aqooneyd iyo dagaal labadaba leh. Taasna waxa uu u cugtey, Xuseen-Dheere.

 

(c) Cadaadley:waxa aad moodaa, in Xuseen-Dheere, qorshihiisa dagaal(stratigic war plan) uu udub dhaxaad uga dhigey, mid difaac oo feejignaan ku dheehantey. Taas oo macneheedu yahay, kolka ciidan ahaan lagaa tamar badanyey, in aad goob difaac oo biyahuna u dhowyey, hadana buur ama jeex-jeexyo dhabarka lasaaro. Si dhabarkoodu uu u noqdo aamin, marka goobtooda loogu yimaadana dagaal degdeg ah ku waajahaan cadawga, oo aan la sugin in maalmo la is horfadhiyo, Ayuu adeegsadey Xuseen-Dheere. Taas oo la mid ah dagaalkii taariikhda galay ee Saxaabigii Khaalid bin Waliid, ee dagaalkii Yarmuuk, ee ciidan 40 kun oo Muslin ahi ku quusiyeen 250 kun oo Roaman Empire lagu quusiyey kuwaasoo mudo qarniyo ah Shaam ka talinayey.

 

(d) Cadaadley:qorshihii dagaal ee SNM-tu waxay niyad jab galisay taliskii Siyaad Barre, taas oo ku keentey, in Gen. Morgan diyaariyo ciidamo aad u baaxad weyn, oo ururis ah oo dhamaan jiidaha xuduuda ciidamadii fadhiyey, firxadkii ka cararey Cadaadley iyo badh laga keeney Gaas 2aad Birjeex(Hargeysa) iyo Gaas 1aad ay tiraba laba jeerba dagaal culus cadaadley ku rogaal celiyeen, iyagoo wata saanad military oo la mid ah tii hore u joogtey Cadaadley. Si loo soo dhiso niyada ciidanka, loogana dhigo guul wax ku ool ah, oo lagu kala goynayo isku xidhka Hargeysa iyo Burco, Berbera-na ka dulqaadaya culeyska militari iyo khatar lagu qabsan karo.


 

(e)Cadaadley: taliskii Siyaad Barre, waxay door-bidayeen in indhaha laga laliyo ciidanka SNM-ta ah ee Hargeysa ku jira. Waayo? Waxa ay ka warqabeen in awooda ciidan ee SNM ee Hargeysa ku sugani ay xadidantey, laakiin ay gacan ka heli karaan, Cadaadley hadii ay noqoto, taakuleyn, xoojin ciidan, iyo in ay Cadaadley u ruqaansan karaan, in ay dariiqa Berbera-Hargeysa ay xidhi karaan, ama Berbera qabsan karaan. Taas oo Hargeysa go’doon iyo taakuladiiba ku ridi karta.

 

(f)Cadaadley: waxa u muuqatey Taliskii Siyaad Barre, in Cadaadley noqon karto, mid SNM-u keeneysa in gudaha dalka ku sii nagaadaan. Taas oo ay tahey goobta u dhaxeysa Hargeysa, Burco iyo Berbera, oo ay ku xeeranyiin buuro iyo dhul difaac laga gali karo oo adkaan doonto in SNM-ta laga saari karo. Hadana waa SNM-tee ay si fudud dagaal ugu qaadi karaan magaaloyinkaas sadexda ah. Run ahaantiina ay aheyd qorshaha ugu dambeeya ee SNM ku xisaabtameysay.

 

(g) Cadaadley:guulahaas degdega ah ka sokow, waxa taliskii SNM soo food saartey, in ay xakameyn kari waayeen, hiyi kaca ciidankoodii kaasoo ciidanweynuhu niyad sare oo dagaal gashey oo gudoonsadeen in ay ka dagaal galaan Hargeysa iyo Burco, oo warar dhiilo lihi kasoo yeedhayey. Taas oo badalkeeda ay ka wacneyd in Berbera oo la qabtaa ay soo afjareyso dagaalka, guushana SNM-tu ay hanan kari laheyd. Sidaynu qeybtii dagaalka aynu kuxusney, il-duufkaa militari ee dharaartaas dhacey in ay SNM ku qaadatey in SNM in ay sugto ilaa 1991-ka in ay Berbera qabsato dagaalkana lasoo afjaro.

 

 

Lasoco Qeyta 7aad

 

Maxamuud Biixi

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...