Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel (Abdi-Shotaly).

0
Wednesday July 15, 2020 - 08:56:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel (Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-shotaly.

    Waxan maanta halkan idiinku soo gubinayaa maqaal aan u diraayo inta derbi-yadda kaga dhurma huuhaadda beenta ah, ee dad daacad ah doonaaya in ay denbiile ka dhigaan, iyaka oo qudhun iyo qabyaalad hoosta ku wata, misana ku af gobaad-sadda qaran baa hebel duminayaa, iyaka oo ah kuwo naxli huursan ah, oo dano gaar ah ugu sacab tumayaa askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Waxan kuwaas ku leeyahay, wax-ba inooma kala qarsoona, oo waa is og-nahay ee cabaadka joojiya ah, maxaa wax nalooka sheegayaa? Horta aan is weydiino'e, Kuwa xaqdiga iyo nacaybka ku taageeraa mamulka " Xaafad-tooyadda waa ayo?" aan runta isu sheegno'e, Miyaanay qayb ka hayn kuwa durbaanka u tumaa beelaha asakriga taageeraa, in ka tirsan Qarxajis, Gabooye, Samaroon, Arab, Ayuub, Dhulbahante, Toljeclo, Warsan-geli? sidaas oo ay tahay, marka la soo hadal qaado anshax xumidda askarigu kula kaco wadanka siduu u dhan yahay, maxaa aydin reer uga dhigtaan? Hadaydaan indinku xumayn? Wax kale noo sheegi maysaan, ee waxa weeye askariga kursiga boobay baanu isku isir nahay. waar kala taga ummadda kala qaybinta aad ku wadno goyseen, oo xumaanta maamulka guriggii moorgan ku jira iyo edeb daradiisa, marka la sheego aad hoosta ka gurxamay-saan siddii awr gulaan ah, Idinka oo ah kuwa reer-nimadda ku difaacaaya, kana fog cadaaladda, sinaanta, wax wadda lahaanshaha, oo ku dumiyey dalkii, dad-kiina baabi'iyey. oo micnihiinu yahay yaan la kashifin waxa aanu qasayno iyo kal soocidda loogu ab-tirinaayo shicibkii isku idka ahaa.

 

    Intaa dabadeed ku soo dhawaadda, maansadan aan saaka curiyey, taas oo sheegaysa waxa ka soconaaya, maamul goboleedka Hargeysa ee askariga waalani uu hor boodaayo iyo tuugta la shaqaysataa. yaan hadal idinku daaline, Abdi-shotaly maaha ka aad ku sheegaysaan dal buu duminayaa, ee aad is leedihiin u qariya waa qaran dumis. ka ugu daacadsan Somaliland ee raba in ay wax noqoto waa aniga, adiga oo ah ka xididadda u saaray, ka iibiyey ka mareexaan ee Farmaajo, maalin walba dhaqalee u doonta, aad jeebka ku shubataan, baad doonay-saan weliba in aan sidaas idinku raacno, taasi waa habeenkii xalay tegay iyo waali aan biyo is marin, ee khiyaaliga aad isku maaweelisaan kala taga ummadda aad xaalufi-seen, igana qabta maansaddii waa tane.

 

    Hoh iyo cakuyeey, horor gaajo dubatoo,

    Habeen maamul soo marin, reer hebel hor rooroo,

    Cuqdad hoosta jiiftoo, colaad beel ay hayso,

     Hurgumadda nacaybka ah, hadba soo mir kacayoo,

    Ku haliila beel kale, ka huleelay garashoo,

 

    Miyir hayska joogee, maskaxddii huf ay tahay,

    wax hagaasan arki karin, tolaay haybta mooyee,

    hab kale-ba an loo dhigin, huuhaadda beenta,

    Ku hadaaqa weeyoo, hoog uun ku soo korey,

    Huga gaajo aan dhigin, abid ciil u haystoo,

 

    Waa sabool hadraayoo, isku habaya waxan jirin,

    Hamigiisu wuxu yahay, hindisuhu ku nool yahay,

    Maato hoy ka boobiyo, hanaq goynta umaadiyo,

    Hanti urursi mooyee, h aab kale an garanayn,

    Ku weynaaday hoog iyo, h ebel baa col tiin iyo,

 

    Waa hoorigaa amabanayee,  abidkii habaas fadhi,

    Dhana uga hagaagine, hunbaniga ahaayee,

    Caqli kala hoydeen baa, dal-keenii haleeyo,

    Hog ku gurey dad-kiiyoo, haan-haan u kala raray,

    Adna aad hor kacaysa, ood u hiilinaysaa,

 

    Reer hebel ayaan nahay,  hadaf-kaagu uu yahay,

    hanti boobka ummadiyo,  hoy-geedda maatadda,

    Hal-hal looga qaadee, hooga-yeydu qayladda,

    Haweenkiyo caruurtii, lala dhacay haraatidda,

    Waa askari halaw ahe, farmaajo-na ma hoos galay,

 

    Baryo farqa haystaa, handaraab ku soo xidhay,

    Haybaddii dhul-keenoo, aduunkii ka haariyey,

    Cidla haylo xumidiis, waa kaas hulaabane,

    Ee hayeydda waaq-ladda, ku habsoobay geri-go'an,

    Gacalkii ka haajirey, hadda heeryo xumidiis. 

    Amakaag hulaabne, idin heray boqontii.

 

    Waxa la yidhi " Waraabaw in aad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaye" Idinka weeye kuwa burburiyey dalkii ee alabaabadda u soo xidhay, ku tuntay, ku dhaqmaa reer hebel, hadana afka boobka soo marsanaayaa, markaad wax aad sheeg-taan garan weydeen, baad ku af-gobdsa-taan " Siilaanyo-ba wuu raacsanaa, oo Habar Jeclo buu ka baqaayey, ee muxuu anaka noo maagaa? Idinku maamuka baad tihiin,oo marka wax laga sheego baad damqanay-saane saw maaha? Waxan idiin sheegayaa hadaba, Abdi-shotaly illaahay uun buu ka baqaa, mamaulkan muta-wixishka ahna, mid baydh ka dhimaaya ama saamaxaya ma aan ihi, cid aan u jooji-nayaana ma jirto, ee bal cidda wax samaynaysaa, cirka ha soo dumiso diyaar baan u ahaye. Waxa qudha ee aad ii sheegay-saan waxa weeye, " Waanu kaa xignaa maamulka" Waa arin cadaan ah oo aan muran lahayn, waayo waxad na tusaysaan oo keliya, in aydin keli ku tihiin dheef-tiisa oo aad jaqaysaan, rabtaana in aan khalad-kiina aan cidi arag ama maqal oo sheegin. taas oo ah wax aan dhacayn, ee farta baa la iska saarayaaye u adkaysta ama qabta, hadii kale haw damqanina, waxa uu wado jaahilkan bilaa maskaxdda ahi. Ma jirto qof la aamusiin karaa, Sidda TV-yadad gaar loo leeyahay ee Universal, Star iyo war-bahainta website-yadda, ee god walba waa la idiin gelayaa, ee joojiya wax baa nala yidhidda. kalana daaya sidaan doono aan u socdo iyo hoohinta aad qubaysaan iyoi baroorta hoosta ka qalaalan, oo meel isi soo taaga la idinku af garto, mana jirto wax idiin hadhaye cadaysta oo na dhaha anaka baa maamulku noo shaqeeyaa, ilayn waa dhab marka la eego sidaad u hadlay-saane. iyadda oo cid waliba ay ku jirto ( reer kastaa) baad gaar u difaysay-saane, ma wax qarsoomi karaa? Ma sidaas bay idin siisay masklax-diinu? Waar kala fadhiisata ummadda aad ku kala xadaysaan anaka baa naloo jeedaa.

    * N.B Waraabaw In Aad Saamo Jiidiyo, Sanqadh Tirasho Kala Daa!

    Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...