Budhcad Koonfur Afrikaan Ah Oo U Dhacay Goob Aan Laga Fileyn

0
Wednesday July 15, 2020 - 08:36:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Budhcad Koonfur Afrikaan Ah Oo U Dhacay Goob Aan Laga Fileyn

    "Waxa ay shubteen oo qaateen dhammaan khamrigii goobta yaallay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ay shubteen oo qaateen dhammaan khamrigii goobta yaallay,"

Laba maalmood kadib markii ay dowladda Koonfur Afrika dib u soo celisay mamnuucidda khamriga si loo xakameeyo faafidda Fayraska Korona, ayaa tuugo waxa ay jabsatay dukaan cabitaankaasi lagu iibiyo oo ku yaal magaalada Cape Town.



"Waxa ay shubteen oo qaateen dhammaan khamrigii goobta yaallay," ayuu yiri Mark Kallend oo ah milkiilaha dukaankaasi una warramay warbaahinta News24.


Mr Kallend ayaa sheegay in falkaasi uu muujinayo sida shacabka waddankaasi ay xaaladda ugu adag tahay.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo shacabka dalkiisa khudbad ujeediyay Axadii ayaa sheegay in mamnuucidda khamriga oo ah tii labaad ee sanadkan la soo rogay ay culayska ka yareynayso goobaha caafimaadka ee dalka.


In ka badan 40% xaaladaha dadka dhimirka ka xanuunsan ee dalkaasi oo tiro ahaan todobaadkii gaaraya 40,000 ayaa la sheegay inay yihiin kuwa khamriga ku dawaqa, taasoo culays gaar ah ku hayso hawlwadeennada caafimaadka ee la taacalaya cudurka safmarka ah.


Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi, the Democratic Alliance, ayaa sheegay in dowladda ay mamnuucidda khamriga ku qarinayso guuldarrada ka haysata hirgelinta hannaan caafimaad oo dalka ku haboon.


Hogaamiyaha xisbiga Economic Freedom Fighters, Julius Malema, ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Ramaphosa uu ku fashilmay dhegaysiga talo loo jeediyay oo ahayd inuusan qaadin mamnuuciddii koobaad ee khamriga la saaray bishii March.


Koonfur Afrika ayaa hadda ah dalka uu saameynta ugu badan ku yeeshay Fayraska Korona marka laga hadlayo qaaradda Afrika, waxaana laga diiwaangeliyay in ka badan 275,000 oo kiis.


Tirada dadka cudurka ugu dhintay Koonfur Afrika ayaa ka badan 4,000 waxaana dowladdu saadaalinaysaa in tiradaasi ay gaari karto illaa 50,000 dhamaadka sanadkan.

 

BBC

 

Loading...
Loading...