Aqalka Cad Oo Laalay Qorshe Ku Aaddanaa Ardayda Ajaanibta

0
Wednesday July 15, 2020 - 08:31:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Cad Oo Laalay Qorshe Ku Aaddanaa Ardayda Ajaanibta

    Jaamacadaha sidey uga falceliyeen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadaha sidey uga falceliyeen?

Xukumadda madaxweyne Donald Trump ayaa ka noqotay qorshaheedi ahaa iney ardayda ajaanibta ee casharrada jaamacadaha ku qaata qaab online ah in dalalki ay ka yimaaddeen dib loga celiyo cudurka safmarka ee coronavirus awgii.



Ka noqoshada qorshahaasi ayaa ku soo beegmaya hal usbuuc kaddib marki la shaaciyey qorshahaasi.

Jaamacadda Harvard iyo Machadka Teknooloojiyadda ee Massachusetts (MIT) ayaa dacwad ka gudbiyey qorshahaasi.


Garsooraha Massachusetts, Allison Burroughs wuxuu sheegay dhinacyada arrintan ay quseyso iney xal la yimaaddaan.


Heshiiskaasi ayaa dib u soo celinaya qorshe la dhaqan-geliyay bishii Maarso, cudurka safmarka ee dillaacay awgii, kaasoo u oggolaanaya ardayda ajaanibta ah ay casharradooda qaataan haddii loo baahdo iney si sharci ah ay dalku ku joogi karaan fiisooyinka ardayda ay dalka ku joogaanna la siiyo sida uu qoray wargeyska New York Times.


Arday tira badan oo ajaanib ah ayaa dalka Mareykanka u doonto waxbarasho sanad walba iyada oo jaamacadaha ay dakhli badan ka helaan ardayda ajaanibta ee waxbarashada u soo doonta.


Jaamacadda Harvarda waxay dhawaan shaacisay cudurka safmarka ee Faayraska Corona awgii casharrada jaamacadda in lagu bixinaya qaab online ah, marka ay ardayda u soo laabtaan sanad dugsiyadeedka cusub.

Machadka MIT si la mid ah jamacado badan oo ku yaalla dalka Mareykanka waxay go'aansatay casharrada iney qaabki hore ee fool ka foolka ahaa ay ku bixiso.


Qorshaha muxuu dhigayaa?

Ardayda Ajaanibta waxay toddobaadki hore sheegeen wixi hadda ka dambeeya inaan loo oggoleen iney Mareykanka soo joogaan ilaa ay ka billaabmayaan casharrada fool ka foolka ah.


Gaar ahaanna ardayda dalalkooda ku laabtay xilliyada fasaxa bshii March oo ay u dhammaatay waxbarashadi sanadka marki waxbarashada ay u istaagtay cudurka safmarka ee Faayraska Corona awgii.


Wuxuuna Mareykanku sheegay ardayda ajaanibta ah ee waxbarashadooda qaab online ah ku qaadanaya ee dalalkooda ku sugan inaan loo oggoleyn iney Mareykanka ku soo laabtaan oo aan la siineyn fiisaha dal ku galka.

Wakaaladda Socdaalka iyo Canhsuuraadka ee dalka Mareykanka waxay sheegtay in arday badan ay musaafuris la kulmayaan haddii ay ku xadgudbaan awaamiirta ay wakaaladdu soo saartay.


Jaamacadaha sidey uga falceliyeen?

Laba maalmood marki ay ka soo waregtay amarka ay bixisay wakaalassa socdaalka Mareykanka, jaamacadda Harvard iyo machadka MIT waxay dacwad ka gudbiyeen xukumadda Trump ee amarkaasi soo saartay iyaga oo ku tilmaamay, "mid sabab la'aan ah, oo aan ka fiirsasho lahayn".


Jaamacado tira badan ayaa sida oo kale go'aankaasi dacwad ka gudbiyey iyaga oo hay'adaha sharciga ka dalbanaya iney tallaabbo qaadaan.


Xeer ilaalinta 18 gobol oo Mareykanka ku yaalla oo ay ka mid yihiin Massachusetts iyo California waxay sida oo kale gudbiyeen dacwado.


Fiisayaasha ay saameyneyso waa kuwee?

Go'aankan wuxuu quseeya Fiisayaasha loo yaqaanno F-1 iyo M-1, oo la siiyo ardayda waxbarashada tooska iyo midda dadban u soo doonto dalka Mareykanka.


Wasaaradda arrimaha dibadda sanadki 2019-kii waxay bixisay fiisaha F-1, 388,839 iyo fiisaha M-1, 9,518 sida ay sheegeyso xogtan laga helay wakaaladda socdaalka dalka Mareykanka.


Wasaaradda ganacsiga ee dalka Mareykanka waxay sheegtay ardayda ajaanibta ee dalka Mareykanka waxbarashada u soo doontay 2018-kii iney dhaqalaha mareykanka ay ku biiriyeen $45 balyan oo doolar.

 

BBC

Loading...
Loading...