Libya: Baarlamanka taageera Haftar oo ansixiyey faro-gelinta ciidamada Masar

0
Wednesday July 15, 2020 - 06:55:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libya: Baarlamanka taageera Haftar oo ansixiyey faro-gelinta ciidamada Masar

    Libya: Baarlamanka taageera Haftar oo ansixiyey faro-gelinta ciidamada Masar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Libya: Baarlamanka taageera Haftar oo ansixiyey faro-gelinta ciidamada Masar

TOBRUK(HWN):-Baarlamanka Libya ee fadhigiisu yahay bariga dalkaas ayaa meel mariyey mooshin lagu ansixinayo in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan dalkaas haddii loo baahdo, si ay u ilaaliyaan "amniga qaran” ee labada dal, xilli ay jirto wax ay ugu yeereen "qabsashada” Turkey.



Baarlamanka ayaa taageera Jeneral Khalifa Haftar, oo muddo sanad ka badan waday dagaal uu markii dambe ku fashilmay oo uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, halkaasi oo fadhi u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Haftar ayaa waxaa taageera Masar iyo Imaaraadka Carabta, halka dowladda caalamku aqoonsan yahay ay taageeraan Turkey iyo Qatar.

Qaraarka oo goor dambe oo Isniintii ah ay ansixiyeen baarlamanka fadhiggiisu yahay magaalada Tobruk ayaa ogolaanaya "in ciidamada Masar ay soo faro-geliyaan dalka si ay u ilaaliyaan amniga qaran ee Libya iyo Masar haddii ay arkaan halis muuqata oo kusoo socota labada dal”.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa bishii tagtay ka digay in Masar ay ciidamo u diri karto Libya, kadib markii dowladda ay dib uga riixday ciidamada Haftar aagga caasimadda Tripoli, kadib bilo is-mariwaa ah.

Xiriirka Masar iyo Turkey, oo kala taageera Haftar iyo dowladda caalamku aqoonsan yahay, ayaa aad u xumaa tan iyo 2013-kii, markaasi oo ciidamo uu hoggaaminayey Sisi ay xukunka ka tureen madaxweyne Mohamed Morsi, oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiinka aadna ugu dhowaa Turkey.

AFP

Loading...
Loading...