"Wax walba Meeshii loo Baahnaa buu Dhigay Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.." Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir

0
Wednesday July 15, 2020 - 00:09:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wax walba Meeshii loo Baahnaa buu Dhigay Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.." Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir

    "Wax walba Meeshii loo Baahnaa buu Dhigay Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.." Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wax walba Meeshii loo Baahnaa buu Dhigay Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.." Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hortegay Guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida, ayaa ka warbixiyey arrimo beryahan aad loo hadal-hayey oo dhanka dhaqanka iyo Diinta khuseeya.
Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir ayaa Si faahfaahsan uga Hadley ...


Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Cabdillaahi Yaasir oo markii kulanka ay Wasiirka la yeesheen soo dhammaaday ay wada-jir Saxaafadda ula hadleen isaga iyo Wasiirku, ayaa sheegay inay Wasiirka Diinta ka xog-waraysteen, su’aalona ka weydiiyeen waxay Diinta Islaamku ka qabto isticmaalka Tubaakada oo ku soo biirtay balwadihii hore ee dalka laga isticmaali jiray iyo Nin Shiine ah oo Hargeysa ugu dhintay xanuunka Covid-19 oo Meydkiisa lagu gubay Waqooyiga Hargeysa iyo qodobbo kale, kuwaas oo uu sheegay in Wasiirku halkooda dhigay jawaabo waafi ah oo ay ku qanceenna ka siiyey.

"Tubaakada ayaa ka mid ah, waxaa ka mid ah dhaqanka iyo wadaadkii la gubay, wixii oo dhan Wasiirku wuu iftiimiyey inay dariiq sax ah ku jiraan, oo ay warbixin tifaftiran oo la ururinayo, go’aanna laga soo saari doono ayuu noo sheegay Wasiirku sidii aan horeba idiin idhi. Wuu nooga jawaabay wax walba meeshii loo baahnaa buu dhigay Wasiirku (Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland..” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga joogtada ee Guurtida Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yaasir.

Geesta kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu waxyaabaha ay wax ka weydiiyeen Xildhibaannadu uu uga jawaabay, isla markaana ka qanciyey arrimaha ay su’aalaha ka qabeen. Wasiirku waxa kale oo uu ka jawaabay Su’aalo weriyeyaashu ka weydiiyeen waxa uga qorshaysan wax ka qabashada Hees dhaqanka ka baxsan oo dalka lagu soo saaray iyo qodobbo kale.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...