Wakiilka Midowga Yurub Oo Kulan La Yeeshay Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland

0
Tuesday July 14, 2020 - 21:39:13 in News by
  • Visits: 1918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Midowga Yurub Oo Kulan La Yeeshay Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland

    Ujeedada Kulan Ay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ahi La Yeesheen Wakiilka Midawga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Kulan Ay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ahi La Yeesheen Wakiilka Midawga Yurub


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Hargeysa.

Image may contain: 1 person, standing, suit, wedding and shoes

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Guriga gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu ka dhacaykulanka uu gudoomiye Faysal-na qaybta ka ahaa ee mucaaridku la yeesheen wakiilka midawga yurub Nicolas Berlanga ayaa lagaga hadlay arimo la xidhiidha doorashooyinka somaliland iyo taageerada dhaqaale ee somaliland hesho.


Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay kulankan labada geesoodka ah ee isaga iyo Faysal la yeesheen wakiilka midawga yurub iyo waxyaabaha ay kaga hadleen.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Gudoomiye Cirro ayaa qoraalkiisa ku yidhi "Guddoomiye Faysal iyo Annigu, waxa aan Gurigeyga ku qaabilnay maanta Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga, oo aan kala hadalnay arrimaha doorashooyinka isku sidkan, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diiwaangelinta, Waxa kale oo aan kala hadlanay sidii Beesha Caalamka u kordhin lahayd Kaalmada horumarineed ee la siiyo Somaliland.

Image may contain: 5 people, people standing and suit
Loading...
Loading...