Ciiddammada Somaliland oo Horufadhi Ka Celiyey Wefti Wasiiro Ka Socday Puntland

0
Tuesday July 14, 2020 - 20:14:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciiddammada Somaliland oo Horufadhi Ka Celiyey Wefti Wasiiro Ka Socday Puntland

    Ciiddammada Somaliland oo Horufadhi Ka Celiyey Wefti Wasiiro Ka Socday Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciiddammada Somaliland oo Horufadhi Ka Celiyey Wefti Wasiiro Ka Socday Puntland

Hargeisa(HWN):- Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa deegaanka Horufadhi ka celiyeen wefti Wasiiro ah oo ka socday maamul goboleedka Puntland.



Weftigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa ay doonayeen inay deegaanka Horufadhi kaga qaybgalaan heshiisiinta laba beelood oo ku dagaalamay halkaasi.

Waxaanay wararku sheegayaan in masuuliyiintii ka socaday maamulka Puntland iyo ciidamadii ay wateen ay ku noqdeen magaalada Buuhoodle.

Hase yeeshee Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay adkaynayaan Kaantaroolada Buuhoodle. Sidoo kale, ciidamada qaranka Somaliland ayaa fariin digniin ah u diray maamul goboleedka Puntland.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...