Diyaarad Ku Dhacday Baladweyne Oo Baaldiyo Biyo Ah Lagu Bakhtiinayey Dabkii Ka Dhashay Iyo Mid Kale Oo Dagi Kari Wayday

0
Tuesday July 14, 2020 - 19:58:24 in News by
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Ku Dhacday Baladweyne Oo Baaldiyo Biyo Ah Lagu Bakhtiinayey Dabkii Ka Dhashay Iyo Mid Kale Oo Dagi Kari Wayday

    Diyaarad Ku Dhacday Baladweyne Oo Baaldiyo Biyo Ah Lagu Bakhtiinayey Dabkii Ka Dhashay Iyo Mid Kale Oo Dagi Kari Wayday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Ku Dhacday Baladweyne Oo Baaldiyo Biyo Ah Lagu Bakhtiinayey Dabkii Ka Dhashay Iyo Mid Kale Oo Dagi Kari Wayday

Muqdisho(HWN):-Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ayey ku burburtay diyaarad xamuul siday oo ka timid wadanka jabuuti.




diyaaradan oo siday raashin xamuul ah oo ay lahayd shirkada diyaaradaha ee Bluebird Aviation ee dalka Kenya ayaa ku soo jeeday magaalada Baladweyne taas oo siday raashin xamuul ah oo aad u tira badan.

agaasimaha hay'adda duulista soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyey in diyaaradani ay siday raashin xamuul ah oo loo malaynayo inuu keenay shilka ay diyaaradani ku burburtay.

dadkii diyaaradan saarnaa oo ahaa sadex qof oo ka shaqaynayey ayaa dhamaantood ka badbaaday shilkan diyaaradeeda kuwaas oo bad qab lagu soo gaadhay.

baaldiyo biyo ah oo lagu bakhtiinayey dabkii ka dhashay shilka diyaarada ayaa layaab ku keenay dunida kuwaas oo ay isticmaalayeen dhalinyaro gurmad ahaan u bakhtiinaysay diyaarada oo gubanaysa.

caagaga biyaha ee lagu bakhtiinayey dabkii ka dhashay diyaarada burburtay ayaa tusaale u noqday halka ay soomaaliya ka taagan tahay adeegyada dawladnimo, iyada oo aanu guud ahaanba jirin ciidan dab demis oo ay leedahay soomaaliya.
Image may contain: outdoor and nature


sidoo kale diyaarad kale oo ay leedahay shirkada Bluebird Aviation ee wadanka Kenya ayey u suuragali waday inay fadhiisato garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne taas oo markii dambe ka degtay garoonka Muqdisho.

diyaaradan labaad oo iyaduna siday raashin xamuul ah ayaan ilaa hada la xaqiijin sababta keentay inay ku dagi waydo garoonka Baladweyne iyo inay jirto cilad la soo daristay oo keentay inay caga dhigan waydo garoonka Ugaas Khaliif.


Loading...
Loading...