Raysal Wasaare Khayre Oo Gaadhay Dhuusamareeb Iyo Madaxda Maamulada Oo Soo Dhaweeyey

0
Tuesday July 14, 2020 - 19:41:50 in News by
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Gaadhay Dhuusamareeb Iyo Madaxda Maamulada Oo Soo Dhaweeyey

    Raysal Wasaare Khayre Oo Gaadhay Dhuusamareeb Iyo Madaxda Maamulada Oo Soo Dhaweeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Gaadhay Dhuusamareeb Iyo Madaxda Maamulada Oo Soo Dhaweeyey


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Khudbadii Ra'iisal Wasaare Khayre uu kula Hadlayu jaaliyadda ...


Waxaa si wadajir ah ay garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Jubbaland Axmed Madoobe, Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.


Madaxweyne Deni ka tagay Garoowe ka hor inta uusan gaarin RW Khayre, isagoo ku laabtay Garoowe si uu uga qeyb galo aaska RW hore ee Somalia Xasan Abshir iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo maalmo ka geeriyooday isagoo ka dibna ku soo laaban doona Garowe.


Raisul Wasaare Khayre ayaa ka qeyb geli doona wejidga labaad ee shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee halkaas ka furmaya dhowaan kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo Madaweyne Farmaajo uu ku biirayo shirkaas maalmaha so socda sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Loading...
Loading...