Somaliland: Dalladda SONSAF oo Ku Talisay in la Xalliyo Shan Qodob oo Caqabad Ku ah Doorashada 2020

0
Tuesday July 14, 2020 - 19:34:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Dalladda SONSAF oo Ku Talisay in la Xalliyo Shan Qodob oo Caqabad Ku ah Doorashada 2020

    Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha dallada ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ee Sonsaf,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha dallada ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ee Sonsaf,


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha dallada ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ee Sonsaf, Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ka hadley caqabadaha hortaagan in qabsoomida doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland.
SONSAF (@SONSAFPlatform) | Twitter


Guddoomiyaha dalada SONSAf ayaa caqabadahaasi hortaagan qabsoomida doorashooyinka ku sheegay in yihiin 6 caqabadood islamarkaana mid ka mid ah la xaliyay.

Waxaanu hoosta xariiqay guddoomiye Anwar, inay qabsoomida doorashooyinka ay ku xidhantay in 5 taasi caqabadood ee hadhay meesha laga saaro.

"Waxaynu ka war qabnaa in Doorashaddii mudada dheer jiitamaysay muddo laba Sano iyo badh ah, ee khilaafka ba'anni u dhaxeeyay Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland in 12 bishan aynnu ku jirno ee Jully 2020 la soo af-jaray. Runtii waxaan qabaa in Heshiiskaasi uu ku farxiyay dhammaan Shacbiga reer Somaliland. Annagunna haddaanu nahay bahda Ururrada bulshadda aad baanu u soo dhawaynaynaa in qayb ka mida Caqabaddihii doorashooyinka hortaagnaa la dhammeeyo" Ayuu yidhi Guddoomiyaha Dallada SONSAF

Waxaannu intaas sii raaciyay oo uu yidhi "Sida aynu ka war qabno qabsoomidda Doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka waxa hortaagnaa Lix Caqabaddood, waxaan qabaa Lixdii caqabaddood mid ka mida ayaa la xaliyay oo ahayd Guddigii heer qaran ee doorashooyinka, waxa wali taaggan shantii caqabaddood ee kale oo tusaale ahaan ay ka mid tahay arrintii Saami-qaybsiga. Heshiiska waxa ku taalla in doorashadda loo galaayo siddii loo galay Sanadkii 2005-tii, taas macnaheeddu waxa weeye in Madaxweynuhu uu Warqad u diro Maxkamadda sarre" Ayuu yidhi Guddoomiye Anwar.

Guddoomiyaha Dallada ay ku middaysan yihiin Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame waxa kale oo uu caqabaddaha hortaaggan qabsoomidda Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka uu ku tilmaamay Saamiga Kootadda Haweenka, taasoo uu sheegay in loo baahan yahay in la Xaliyo.

"Waxaannu soo dhawaynaynaa aragti kasta oo odhanaysa ama raadinaysa siddii Xal loogu helli lahaa Caqabaddahaas kale ee hoos yaalla Doorashooyinka in iyaganna sida ugu macquulsan loo dhammeeyo. Waad ka war qabtaan arrinta Kootadda Haweenka iyo Dadka laga tiradda badan yahay waxay ahayd arrin muddo dheer soo socotay, goleyaashuna way ansixiyeen sanadkii 2018, laakiin heshiiskan kama muuqato waxa laga yeellaayo, waxaannu u soo jeeddinaynaa Xukuumadda iyo Xisbiyadda inay qayb wayn ka noqdaan Xallinta Caqabaddaha hadhsan." Ayuu yidhi Guddoomiye Awnar Cabdiraxmaan

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...