Taliyaha guud Ee Ciiddammada Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Jiidda Hore Ee Tukaraq

0
Tuesday July 14, 2020 - 18:48:50 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha guud Ee Ciiddammada Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Jiidda Hore Ee Tukaraq

    Waxaa socdaalka ku wehelinayay qaar ka mid ah hogaanada guud ee Taliska Milateriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa socdaalka ku wehelinayay qaar ka mid ah hogaanada guud ee Taliska Milateriga.

Hargeisa(HWN):-Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa gaadhay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.  Waxaa socdaalka ku wehelinayay qaar ka mid ah hogaanada guud ee Taliska Milateriga.
Daawo : Taliyaha Ciidanka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani Oo ...


Taliye Nuux Taani markii uu halkaasi gaadhay waxaa uu kulamo la qaatay saraakiisha taliska aaga bari oo uu horkacayo Taliyaha ciidamada Milateriga ee aaga bari.

Ujeedka socdaalka Taliyaha ciidamada Milateriga Somaliland ayaa ahayd u kuur galka xaalada ciidanka Milateriga ee jiida hore ee gobolka Sool iyo guddoonsiinta bilad geesiyo madaxweynaha Somaliland ugu talo galay ciidamada qaranka ee jiida hore.

"Halkani waa barta ugu horraysa ee ay deggen yihiin Ciiddammada qaranka Somaliland ee Tukaraq. Kolay waxaan halkan u imid inaan eeggo Xaaladda Ciiddanka, waanna Kormeer caaddiya. Ciiddanku aad bay u wanaagsan yihiin moorraal ahaan, waanna Ciiddan hawshooddii gutay uu qaranku u igmadday. Billadahan waxaannu siinnay raggii ay Guuto kastaaba iska soo xushay, inkastoo Ciiddanku wada fiican yihiin oo aannay kala dhicin, oo hawshooddii guteen, waannan Hambalyaynayaa intii ku guulaysatay Billada haddii ay yihiin Taliyeyaal, Abaanduulayaal iyo haddii ay yihiin Ciiddammadda askarta ahba." Ayuu yidhi Taliyaha guud ee Ciiddammada qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanni.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...