Cadho Ka Dhalatay Boolis Brazil Oo Haweeney Madow Ah Qoorta Jilibka Ka Saaray

0
Tuesday July 14, 2020 - 16:11:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadho Ka Dhalatay Boolis Brazil Oo Haweeney Madow Ah Qoorta Jilibka Ka Saaray

    " Muuqaalka dhacdadaasi laga duubay waxaa laga baahiyey Fantastico TV."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Muuqaalka dhacdadaasi laga duubay waxaa laga baahiyey Fantastico TV."

Laba askari oo boolis ah oo ka tirsan milatariga magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil ayaa lagu soo oogay dacwad kaddib marki talefishiin laga baahiyey muuqaal muujinaya iyaga oo haweeney madow ah qoorta jilibka kaga haya.



Haweeneyda dhibbanaha ah oo ay da'deedu tahay dhexdhexaad oo ah mulkiile iskaleh goob lagu caweeyo xilliga xadgudubka loo geysanayey gacmaha ayey ka xirneyd.


Muuqaalka waxaa duubay qof goob joog u haa dhacdaadaasi oo dhacday bishii May ee sanadkan.


Barasaabka gobolka Joao Doria wuxuu sheegay inuu u dul qaadaneyn xadgudubyada noocaasi ah, labadi askarina shaqada laga eryey.


Hase yeeshee, magacda labada askari lama shaacinin.

Barasaabka wuxuu intaa ku daray 2,000 oo ka mid ah askarta booliska ka howl gasha magaalada Sao Paulo in lagu qalabeeyey kaameerada labbiska askariga lagu xiro.


Muuqaalka dhacdadaasi laga duubay waxaa laga baahiyey Fantastico TV.

Muuqaalkaasi ayaa dalka Brazil caro ka abuuray iyada oo dhacdadaasi lala maseeyey dilki naxariis darrada ahaa ee ay booliska Mareykanka 25-kii bishi May Minneapolis ugu geysteen George Floyd.


Muuqaalki Floyd laga duubay ayaa ahaa mid muujinaya askariga oo qoorta jilibka kaga hayo iyo isaga oo leh waan neefsan la'ahay.


Dilki loo geystay Mr Floyd waxaa ka dhashay mudaharaadyo rabshada wata oo ka dhaca dalka Mareykanka.

 

BBC

 

Loading...
Loading...