Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Shaaciyay Inay Gacanta Ku soo Dhigeen Nin Dil Ka Gaystay Deeganka Fadhi-gaab

0
Tuesday July 14, 2020 - 15:24:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Shaaciyay Inay Gacanta Ku soo Dhigeen Nin Dil Ka Gaystay Deeganka Fadhi-gaab

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Shaaciyay Inay Gacanta Ku soo Dhigeen Nin Dil Ka Gaystay Deeganka Fadhi-gaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Shaaciyay Inay Gacanta Ku soo Dhigeen Nin Dil Ka Gaystay Deeganka Fadhi-gaab

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay inay hawlgal ay Ciiddammada qaranka ee deegaanka Fadhi-gaab ku sugani ay sameeyeen lagu soo qabtay Gacan ku dhiigle Dil ka gaystay Deegaanka Fadhi Gaab.



"Golaha Wasiirrada iyo La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynuhu waxay halkan muddo dheer u jooggeen, arrintii Nabadda ee ka dhacday magaalada Fadhi-gaab oo dhimasho iyo dhaawacba sababtay, collaadna ka dhalisay deegaanka Fadhigaab wada deggen, arrintaas xallinteeddii ayay u jooggeen, markaa waxa lagu mashquulsannaa in gacan ku dhiiglihii la soo qabto, Xukuumadduna hawshaas gacanta ayay ku haysay."

"Waxaan maanta halkan ka caddaynayaa in la soo qabtay gacan ku dhiiglihii falkii ugu horreeyay gaystay, beesha uu ka dhashayna qayb wayn ayay ka qaateen arrintaas. Wax kale oo hawshaas fulliyay Ciiddammada qaranka ee Nabaddaynta u jooga deegaanka Fadhi-gaab" Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...