Somaliland: Wasaaradda Diinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlay Xallinta Dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha

0
Tuesday July 14, 2020 - 13:54:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Wasaaradda Diinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlay Xallinta Dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha

    Somaliland: Wasaaradda Diinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlay Xallinta Dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Wasaaradda Diinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlay Xallinta Dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha

Hargeisa(HWN):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta si rasmi ah u furay Kulan hawleed lagu falanqeeyey sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha.
Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Tabobbar u Furay ...


Kulanka oo ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Isniintii maanta, ayaa loo Qabtay Guddiga Culimada ee heer Qaran ee magacooda la yidhaahdo Strategic Advisory Group (SAG) oo Somaliland u qaabbilsan daraasaynta iyo ka talo-bixinta xal u helidda dhibaatooyinka Gudniinka 

Gabdhaha iyo Hay’adaha Maxalliga ah, ku caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Ugu horrayn waxaa kulanka kalmad ka jeediyay Cabdirisak Yuusuf oo ka socday Hay’adda UNFPA Xafiiskeeda Somaliland, waxaanu sheegay in loo baahan yahay xog-ururinta ay muddada wadeen Guddigu inay muhuuum u tahay xalka loo baahan yahay in laga duulo ee wax lagaga qaban karo dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka Gabdhaha ee Somaliland.

Isna waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqogalinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Cabdiraxmaan, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay siday u korosay wada-shaqaynta wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, gaar ahaan laga wada-tashado xal u helidda dhibaatada Gudniinka Gabdhaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, oo si rasmi ah u furay Kulankaas, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Kulankan la iskula eego qodobbo xal u noqon kara Dhibta Gudniinka.

Guddiga Culimada ah ee ka talo-bixinta iyo daraasaynta Dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha ee Somaliland, ayaa halkaas ku soo bandhigay xog-ururinta ay sameeyeen intii sannadkan 2020-ka lagu jiray, meelaha ay mareen iyo waxa u qabsoomay iyo daraasado ay ka sameeyeen sida Dalalka Islaamka ahi u xalliyeen dhibaatada Gudniinka Gabdhaha.

Intaas ka dib, waxaa loo gudbay falanqaynta iyo lafagurka dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka iyo sida xal waara looga gaadhi karo, loona suulin karo dhibaatooyinkiisa. Gunaanadkii kulankaasna waxa la iskula qaatay in si wada-jir ah wax looga qabto dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha, iyaga oo ay iskaashanayaan Guddiga Culimada ah, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradaha iyo hay’adaha Waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee kulanka ka soo qaybgalay, si loo badbaadiyo Mustaqbalka Gabdhaha Reer Somaliland.


Loading...
Loading...