Bangigii Dhexe Ee Shaqadiisa Gabay

0
Tuesday July 14, 2020 - 09:56:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangigii Dhexe Ee Shaqadiisa Gabay

    W/Q: Cabdirisaaq Darwiish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish.

Sida laga war hayo Bangiga dhexe (Central bank) waa hay'ada dawlada u qaabilsan Ilaalinta, joogtaynta madaxbanaanida maaliyadeed iyo Deganaanshaha dhaqaalle ee dal leeyahay.

 

Bangiga dhexe waa bangi waddan walba leeyahay kaas oo qabta oo lagu aamino joogtaynta Muga lacageed ee dal leeyahay.

 

Wuxu Awood u leeyahay bangiga dhexe inu soo daabaco Lacag cusub, Wuxu qiimeeyaa socodka lacagta ( Money supply), waddamada Aan islaamka ahayn bangiga dhexe wuxu xadidaa ama koontaroolaa xadiga ribada ee lacagaha dalka la saarayo, Intaaba waxa u sii dheer oo bangiga dhexe qabtaa wuxu xakameeyaa oo uu joogteeyaa dhaq-dhaqaaqyada Bangiyada Ganacsi ee dalku leeyahay ( Commercial banks).

 

 

Hadaba mudooyinkii u dambeeyey Bangiga dhexe Ee somaliland Ee uu gudoomiyaha ka yahay Cali Ibraahim Baqdaadi waxaan odhan karaa wuxu gabbay Shaqadii dalku u igmaday Ee laga sugayey, wuxu Gees uu ula dhaqaaqo garan la' yahay hantidii ummada, Gabi ahaanba waxaan jirin wax shaqo ah oo bangiga dhexe u qabto dadka iyo dalka marka laga reebo dadka dawllada u shaqeeya oo lacago giinbaara loo dhigo kuwaas oo si silica ku qaata iyagoo aan ku niyad samayn, waxa kale oo weli si daciifnimo ah u gutaa isku badalka lacagaha taas oo ahayd shaqadiisii ugu weynayd ee uu gabbay waxaana shaqadaa xoogeeda haya sariflayaasha dalka iyagoo jaangooya xadiga sarifka ee dalka ( Exchange rate) halkii uu bangiga dhexe isagu ahaan lahaa mid shaqadaa qabta.

 

Gudoomiyahan ayaan jeclaan lahaa in aan u tilmaamo shaqadiisa bangiga Ee uu masuulka ka yahay mar hadiiba uu isagu garan waayey kuna mashquulay wax aan dalka iyo dhaqaalihiisa waxba ka Tarayn.

 

 

Shaqooyinka Bangiga Dhexe Uu Gabbay:

 

Inkastoo bangiga iyo lacagta somaliland Aan dunida laga aqoonsanayn Hadana Waxa jira Waxyaabo sababay in uu bangigu si fiican u shaqayn waayo kuwaas oo aan indhaha laga qarsan karin, Hadaba maqaalkan iyo kuwa xigaba Waxaan kusoo gudbin doonaa shaqooyinkii ay ahayd inu bangiga dhexe qabto hayeeshee u kas looga tegay amaba danno kale la dhaafsaday.

 

1.Bangiga dhexe wuxu awood u leeyahay oo masuul ka yahay daabacada lacagaha dalka(Money issue, and printed)

 

Bangiga dhexe Wuxu soo saaraa oo daabacada lacagaha isagoo ku cadaynaya qandaraas sharciya oo aan xadidnayn dalka oo dhan.

 

Bangiga dhexe awood u leeyahay maamulka lacagaha dalka oo dhan, wuxu kor joogteeyaa qiimaha lacagta dalka, Wuxu ka ilaaliyaa hoos udhaca iyo sicir bararka ku dhaca.

 

Hadaba Waxa isweydiin mudan oo gudoomiyaha la weydiinayaa xaguu marayaa qiimaha lacagta Ee dalku?

meeday 50 shiling 100shilling ee dalku?

 

Waxa xaqiiqo ah in shantii boqol 500 shilling ay gabaabsi ku jirto oo sidii 100shilling loo waayey iyadana waqti aan fogayn loo waayi doono. Taasna Waxa keenay dayacaada bangiga dhexe uu dayacay shaqadii uu lahaa ee ahayd soo saarida lacagta iyo ilaalinta qiimahadeeda.

 

Marka lacag la daabacayo waa in bangiga dhexe uu ogaadaa xadiga lacagta ah ee suuqa ku jirta, sidoo kale waa inu ogaadaa xadiga lacagta ee suuqa looga baahan yahay (Money Demand). Tan in la sameeyo ma sahlana waxa loo baahanyahay in dad aqoonyahana loo xulo si loo ogaado xadiga lacagta ee suuqa ku jirta iyo inta loo baahan yahay in suuqa dib loo geliyo sidoo kale Tani waa meelaha laga ilaaliyo Sixir bararka dalka.

 

 

Marar badan ayaa bangigu kusoo daayey suuqa lacag isagoo oo aan ogaan xadiga lacagta ah ee suuqa ku jirta markaas oo kale bangigu isagaa masuul ka ah sara u kaca iyo hoos u dhaca lacagta ku dhacda, marar badan sicir bararka Dalkeena halakeeyey ee ganacsato badan suuqa ka saaray waxa ka masuul ah bangiga dhexe kaas oo ilaalinta iyo Qiimayntii lacagta meesha ka saaray.

 

2.Bangiga dhexe Wuxu u shaqeeyaa Sidii Bangi caadiya (Banker), marar kale sidii Wakiil( Agency), Halka marar kalena uu u shaqeeyo sidii La Taliye (Advisor):

 

Bangiga Dhexe Ee dawladi leedahay Meel kasta wuxu u shaqeeyaa sidii bangi oo kale Maxaa yeelay Waxa badan isku halayntiisa iyo Dhaqaale ahaan xadiga lacageed ee Uu maamulo.

 

Waxa laga helaa oo la dhigtaa lacago, sidoo kale bangiga dhexe wuxu bixiyaa deyn mudo gaaban uu siiyo Dawlada Si ay ugu maareeyaan Xaaladaha Kakan Ee dalka soo Wajaha.

 

 

Hadaba Waxa is weydiin mudan bangiga dhexe miyaanu hayn xaddi lacageed oo uu ku maareeyo xaaladaha qalafsan iyo sicir bararkan xadhkaha goostay Ee dalka ka jira?. Meeday Taladii uu u soo jeedin lahaa Xukuumada si ay sixir bararka u maarayso taas oo ahayd shaqadii ugu weynayd ee looga baahnaa, Hayeeshee uu cali baqdaadi ka seexday kuna mashquulay hawlihiisa gaarka ah. Bangiga dhexe waa Taliye xaga dhaqaalaha dalka ah wuxu xukuumada uga Warbixiyaa Dhamaan xaaladaha Maaliyadeed ee dalka.

 

 

3. Bangiga dhexe Waxa shaqadiisa kamid ahayd Isku badalka lacagta dalka iyo lacagaha Qallaad ( Money Exchange).

 

Qaybtan waxaad moodaa inay wax uun ka shaqeeyaan walow sidii loo baahnaa aanay u shaqayn, Bangiga Dhexe waa inu yaqaanaa cadadka lacagta uu hayo ee uu rabo inu suuqa geliyo sidoo kale bangigu waa inu jaangooyaa Xadiga lagu sarifayo Lacagaha qallaad Ee maalinlaha ah.

 

Hadaba ayaandarada bangiga dhexe Ee somaliland Haysta waxa weeye in aanu gaanjooynin xadiga sarifka lacagaha (Money Exchange Rate) dalka ee uu masuulka ka yahay, Tan oo ahayd qayb kamid ah shaqada bangiga waxa ka dheefay oo xaddi kiisa ka sareeya dadka ugu sarifa Sariflayaal iyagu booskaa bangigu baneeyey cidla ka helay kadibna suuqa iyo dhaq-Dhaqaaqiisa maamula.

 

 

Waxa ayaan daro ah in qiimayaal kala duwan caasimada gudaheeda in lagu sarifo lacagta doolarka ah. Taas oo mararka qaarkood nin waliba sidii uu jeclaado iyo intii uu doono uu ku sarifo, Taas waxay caddayn dhaba u tahay Daalaa-dhaca iyo Daciifnimada bangiga dhexe ee Somaliland iyo ka seexashada Shaqadii Loo Igmaday masuulkana uu dalka uga Ahaa.

 

 

Markale Bangiga Dhexe Wuxu xakamayn kari waayey Suuqa madow Ee sarifka lacagaha kaas oo suuqa soo galiyey xaddi aad u badan oo lacag ah sidoo kalena Sariflayaal badani ay ku xidhan yihiin.

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...