Saamiqaybsi Xaq Ah Mise Sadbursi – Gobolkee Dulman!

0
Tuesday July 14, 2020 - 09:40:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saamiqaybsi Xaq Ah Mise Sadbursi – Gobolkee Dulman!

    Khadar Axmed Barkhad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khadar Axmed Barkhad


Aniga oo marmarka qaar wax ka qora kana run sheega kolba xaaladda markaa taagan, waxan maanta halkan idiinku soo gudbinayaa qoraal ku sahabsan saamiqaybsiga kuraasida golaha wakiilada oo gobolada qaarkood ay ka cawdeen. Saamiqaybsiga kuraaasta golaha wakiilada ee doorashadii 2005, may ahayn mid ku salaysan tirokoob ee waxay ahayd uun xal markaa la gaadhay si aynu u qabsan karno doorashadii ugu horaysay ee golaha wakiilada.



Doorashadii madaxwaynaha ee 2017 waxay Somaliland markii ugu horaysay heshay diiwaangelin runtii la galiyay xoog iyo xoolaba. Shaxdan saamiqaybsiga ee hoosta ku xusan waxan ku saleeyay tiradii codbixayayaasha ee doorashadii 2017.




Sool waxa ka codeeyay 39 516 laakiin shaxda kor ku xusan waxan ku daray 15 000 maadaama aan gobolka oo dhan laga wada codayn. Sanaag waxa ka codeeyay 56 059 laakiin shaxda kor ku xusan waxan ku daray 10 000 maadaama aan gobolka oo dhan laga wada codayn. Waxa macquul ah in tirada dadka aan codayn ee Sool iyo Sanaag ay intaa ka badan yihiin. Waxa kale oo macquul ah in ay jiraan dad aan codayn oo deggen hareeraha Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer.

 

Akhriste sida kuu muuqata Maroodijeex weeye gobolka ku dulman saamiqaybsiga maanta maadaama ay heli lahaayeen 10 kursi oo dheeraada haddii la samayn lahaa saamiqaybsi xaq ah oo ku salaysan tirokoob. Togdheerna laba kursi oo dheeraada ayay heli lahaayeen. Afarta gobol ee kale waxay waayi lahaayeen inta u dhaxaysa 2 ilaa 4 kursi.

Xaqiiqda tirada dadka ku kala nool gobolada dalku waa mid laga wada dheragsan yahay. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana gobolada qaarkood oo maanta haysta kuraasi aanay xaq u lahayn ay mar walba la soo taagan yihiin waxbaa naga maqan. Su´aashu waxa weeye, ma xaq ka maqan ayay raadinayaan mise sadbursi iyo kuraasi kale oo aanay xaq u lahayn? Somaliland way ka soo gudubtay wakhtigii reer hebelkii qayliyaba intaa ha loogu daro la odhan jiray, xaquna waxa weeye in wax lagu qaybsado tirokoob. Hargeysa dulqaad badana waxan leeyahay waxa la gaadhay wakhtigii aad xaqaaqa heli lahayd.

 

Khadar Axmed Barkhad
Dhaqaaleyahan ka shaqeeya jaamacadda magaalada Örebro
SWEDEN
[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...