Wajiga Labaad Ee Shirka Dhuusamareeb Oo La Filayo Inay Ka Qaybgalaan Farmaajo Iyo Khayre

0
Tuesday July 14, 2020 - 09:01:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajiga Labaad Ee Shirka Dhuusamareeb Oo La Filayo Inay Ka Qaybgalaan Farmaajo Iyo Khayre

    "Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad oo kasoo qeyb gali doonaan Madaxda DFS"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad oo kasoo qeyb gali doonaan Madaxda DFS"

Muqdisho (HWN) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay Xafladda Gunaanadka Shirka Wadatashiga dhuusamareeb one oo ay ka qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyadda.

 

Waxaa uu sheegay in Shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shir kale oo ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

"Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad oo kasoo qeyb gali doonaan sida aan rajeeneyno Madaxda DFS oo aan rajeeneyno in maalmaha soo socdo noo furmo insha allah”ayuu yidhi Madaxweyne Qoorqoor.

 

Waxaa uu intaasi kusii daray "Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay”

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay aqbaleyn dalabkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku aadanaa inay ka qeyb galay shir looga tashanayo Arrimaha doorashooyinka,kaas oo lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb.

 

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb,waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen kamid ahaa in Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka tashadaan Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.


Loading...
Loading...