Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixinaya Xeerka Kootada Haweenka iyo Beelaha la Hayb-sooco

0
Tuesday July 14, 2020 - 08:31:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixinaya Xeerka Kootada Haweenka iyo Beelaha la Hayb-sooco

    " Kulankani ayaa intii uu socday waxaa dhinacyadu kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Kulankani ayaa intii uu socday waxaa dhinacyadu kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka"

Hargayasa (HWN) Guddida qoondade golaha wakiiladda Somaliland ayaa kulan la qaatay urruradda haweenka u dhaq-dhaqaaqa iyo bulshada la hayb sooco ee Somaliland.

 

Kulankani ayaa intii uu socday waxaa dhinacyadu kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka eek u saabsan kootadii haweenka iyo beelaha laga tiradda badan yahay, waxaana kulankani goob joog ka ahaa gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax.

 

Xildhibaan  Ibraahim Mahdi Buuba kana mida guddida qoondada ee golaha wakiilada ayaa sheegay in gudoomiye Baashe hortooda ka caddeeyay kootadda haweenka iyo beelaha la hayb sooco, in kuraasta baarlamaanka iyo deegaanka ee doorashooyinka inagu soo fooda leh in la ansixin doono, islamarkaana xeerkooda la soo hor dhigi doono furitaanka Kal-fadhiga 43-aad ee golahaasi oo furmi doona maalinta Sabtida ee todobaadka fooda inagu soo haya, hadii ILLAAHEY yidhaaho


Loading...
Loading...