Wada-hadalada Somaliland Iyo Somaliya!!

0
Monday July 13, 2020 - 15:46:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada-hadalada Somaliland Iyo Somaliya!!

    W/Q:- Abubakar Muse Yasin Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:- Abubakar Muse Yasin Maxamed.

Somaliland iyo somaliya madaaama  aan  la kala maarmin  aayaha somaalinimo  wax badan  ku xiran yihiin,  dano la wadaagaana  jiraaan,  waa in  dawlad  ahaan iyo  dad ahaanba  lala yeeshaa dood-wadaag  ku  dhisan is-qancin,  gorgortan iyo  isu caqli-celin  joogtaysan, kuwaas  oo  loo maro wadooyin  kala  duwan wada-hadallo dublumaasiyadeed, dhambaalo  warfaafineed, diraasado  cilmiyeed, wada- xiriir  iyo  kulano toos  u dhexmara  labada shacbi oo  ay  matalayaan ururada bulshada  rayidka  ah, waxgaradka  iyo xarumaha aqoon-faafinta.

 

Wada- xariirradaas  oo  dhan wa  in  ay noqdaan  kuwo  ku dhisan  niyad- wanaag  iyo is-faham-doon  lagu badalo kuwo  is-hadal  haynta imminka  labada dhinacba ugu jirta  hab  ka dab- qaadanaya  jawi  colaadeed ama is- sharaysi  iyo  is- xamasho lagu  sii  kala fogaado.

 

Shirarkii ugu  dambeeyay ee   jabuuti maxaa  kasoo baxay!!

 

Markii  Muuse Biixi qudbaddii u horraysay ka jeediyay shirkii Jabuuti ka dhacay 14. 06. 2020, waxaa la bilaabay olole lagu taageeraayo hadalka muse  iyada oo lala xidhiidhaayo dhammaan dadka la is leeyahay bulshada ayay saamayn ku leeyihiin, hadday tahay siyaasi, abwaan, qoraa, ganacsade IWM ah, taas oo la doonayay in arrimahan qarsoon hadhow marka ay soo baxaan ay dadkaasi ku adkaato in ay degdeg u khilaafaan. Farriimaha ka soo baxaayay shirkaasi waxa ay ahaayeen kuwo muujinaaya in waftiga muse  hoggaaminayaa ay yihiin qaar ku adag qarannimada iyo gooni isu-taagga Somaliland.

 

Waxa guusha iyo libta la mariyay dhanka Somaliland halka Soomaaliya iyada oo ujeeddadeedii gaadhay is dhul dhigtay. Waxa sidoo kale dawladda Jabuuti innoo meteshay in ay Somaliland xaggeeda u janjeedho iyaga oo war-murtiyeedkii (communique) u horraysay ee ay soo saareen Somaliland iyo Soomaaliya ku warqaddaa ku xusay laba dal (between the two countries). Waxa kale qorshaha ku jirtay in marka caadifadda dadka la kiciyo ee loogu eekaysiiyo guul-darro guul in Jabuuti soo saarto heshiiska dhabta ah oo ay ka daba keento.

 

Waxaase  meesha ka muuqata  in  aan daaacad laga ahayn hishiiisyada  ay wada  galaan somaliya iyo somaliland, gaar ahaan xukuumada hada ka jirta somaliland waa mid  aan runta ka sheegayn  wada- hadalada  ay markastaba so gasho, taasina  somaliland waata dib udhigtay sanadadii ugu dambeeysay.

 

Xukuumadda  somaliland hadda  ka jirtaa  waa  in ay shacabka  uwarantaa  wax kastana ay debadda so dhigtaa,  shacabkuna u ogaadaan xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka kajira wakhtigan adag  somaliland.

 

فلتكنواقفةعليك.

 

W/Q:- Abubakar Muse Yasin Maxamed.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...