Wadda Hadalkii Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Fashil Ku Dhaw Iyo Guddiyadii Farsamada Oo Ka Baaqday Jabuuti

0
Monday July 13, 2020 - 15:27:11 in News by
  • Visits: 1930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadda Hadalkii Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Fashil Ku Dhaw Iyo Guddiyadii Farsamada Oo Ka Baaqday Jabuuti

    Wadda Hadalkii Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Fashil Ku Dhaw Iyo Guddiyadii Farsamada Oo Ka Baaqday Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadda Hadalkii Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Fashil Ku Dhaw Iyo Guddiyadii Farsamada Oo Ka Baaqday Jabuuti


Hargeysa(HWN):-Dawladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid fashilinaysa wada hadalladii aan marka horeba cagaha adag ku taagnayn ee Somaliland iyo Soomaaliya kadib markii ay rasmi ahaan uga baaqsatay in ay waftigii dhinaceeda ee Guddida farsamo u soo dirto waddanka Jabuuti halka kuwii Somaliland diyaar u ahaayeen in ay ugu safraan dalkaasi Jabuuti balse sidaasi uu shirkii ku baaqday kaasi oo sidii qorshuhu ahaa shalay oo Axad ahayd dalkaasi Jabuuti ka furmi lahaa.

Maxaa ka soo baxay shirkii madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ee ...


Sidii ballantu ahayd Laba wafti oo ka kala kooban Guddiyadii Farsamo ee sii amba qaadi lahaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee arrimaha dhaqaalaha, Amniga iyo siyaasadda ayaa waxa uu noqday mid gabi ahaanba meesha ka baxay oo baaqday illaa muddo kale oo aan la ogayn kadib markii shalay rasmi ahaan dawladda Soomaaliya uga baaqsatay in ay waftigeeda u soo dirto dhinacaa iyo waddanka Jabuuti oo shirku ka qabsoomi lahaa.


Sida ay ilo xog ogaal ahi wargeyska Foore u xaqiijiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddanka Jabuuti u soo gudbisay dalab la xidhiidha in dib loogu dhigo kulankii wada xaajoodka ahaa ee ay la yeelan lahaayeen dhinaca Somaliland iyaga oo codsaday in muddo ku dhawaad labaatan cisho ah dib loogu dhigo taasi oo meesha ka saartay in wada hadalladii la filayay in ay shalay furmaan sidaa ku baaqdaan, waftigii Xamarna ku baaqday.


Tani waxa ay keentay in Guddidii Farsamo ee dhinaca Somaliland ka socday oo muddoba diyaar ahaa ay sidaa kaga baaqdaan safarkii ay ugu kicitimi lahaayeen waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti kadib markii dhiggooda Soomaaliya xaggooda waxba ka dhammaan waayeen ee ay ka baaqdeen kulankii loo ballansanaa.


Wararka wargeyska Foore ka helayo xaaladdan ayaa sheegaya in Dawladda Soomaaliya ka cago jiidayso in ay si rasmi ah u furmaan wada xaajoodka Guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya taasoo mugdi badan galinaysa wada xaajoodkii labada dhinac sida dirqiga ah ugu furmay oo aan marka horeba lugo adag ku taagnayn.


Warar hoose ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya doonayso in wada hadalladaasi dib u dhacaan iyaga oo walaac ka qaba in aanay arrimuhu ugu socon sidii ay jeclaan lahaayeen iyo dawladda Jabuuti oo ay shaki weyn ka muujiyeen taasi oo aan la ogayn halka uu salka ku hayo shakigoodaasi maadaama marka horena Muqdisho iyo Jabuuti isku wanaagsanaayeen tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee dalkaasi Soomaaliya.


Sidoo kale waxa Iyana arrintani ku soo beegmaysaa wakhti kacdoonno iyo xaaladda adag ka taagan yihiin waddanka Itoobiya, taasoo Iyana saamaynteeda ku yeelan doonta shirkan maadaama Abiy Axmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo shirkan qayb weyn ka ahaa uu isna ku mashquulayo xaalado gudihiisa ah oo culus.


Lama oga masiirka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya halka uu ku dambayn doono iyo waxa ay xaaladdu noqon doonto.

Loading...
Loading...