Walaac Laga Muujiyay Ablikeeshanno Xukuumadu Samaysatay Oo Saamayn Ku Yeelanaya Dhaqaalaha Somaliland

0
Monday July 13, 2020 - 15:11:59 in News by
  • Visits: 2386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaac Laga Muujiyay Ablikeeshanno Xukuumadu Samaysatay Oo Saamayn Ku Yeelanaya Dhaqaalaha Somaliland

    Walaac Laga Muujiyay Ablikeeshanno Xukuumadu Samaysatay Oo Saamayn Ku Yeelanaya Dhaqaalaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walaac Laga Muujiyay Ablikeeshanno Xukuumadu Samaysatay Oo Saamayn Ku Yeelanaya Dhaqaalaha Somaliland


Hargeysa(HWN):-Ablikeeshanno (Apps) dhinaca tiknoolajiyadda ah oo cusub oo ah kuwo loogu tala galay in wax lagu kala sarrifto oo muddooyinkii dambe dalka ku soo kordhayay ayay qaar ka mid ah ganacsatada ku jira suuqyada sarrifku ka dayrinayaan in ay saamayn ku yeeshaan sarrifkii suuqa kala iibsiga lacagaha qalaad gaar ahaan doollarka oo muddo dheer xukuumaddu xakamaysay oo ahaa mid sugan balse laga cabsi qabo in ay xaaladdani saamayn ku yeelato.

Akhri:- Lacag Dhan Saddex Iyo Toban Milyan Oo Laga Waayay Goob ...


Is baddalka Gacanta dambe ee sarrifka lacagaha qalaad gara ahaan Doollarka ayaa dhawaanahan u muuqday mid kor uga kacay intii uu ahaan jiray waxaanay ganacsatada suuqa ee sarrifku ku sababeeyeen dhawr arrimood oo is biirsaday in ay arrintaasi sabab u tahay sida in suuqyada sarrifka ay kusoo fataheen dad badan oo aan hore u ahaan jirin sarriflayaal halka sidoo kale Ablikeeshanno ku shaqeeya taleefanada gacantu (Apps) ay noqdeen kuwo xawli leh arrintaasi oo ay sarriflayaashii hore qaarkood ku talinayaan in xukuumaddu degdeg wax uga qabato.


Guddoomiyaha Sarriflayaasha Suuqa Hargeysa Mudane Barkhda Coofiye oo aannu arrintan wax ka waydiinnay saamaynta Ablikeeshannadani ku yeelan karaan sugnaanshihii sarrifka ee muddo dheer ahaa mid aan is baddal weyn samayn ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi wax ka qabashadeedu u taallo Baanka Dhexe ee Somaliland oo ah isagu kan awoodda u leh arrimahaasi.


Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Tiknoolajiyaddu waa wax soconaya oo mar walba soo kordhaya qaar kalena way iman doonaan. Cid tiknoolajiyadda hor istaagi kartaana ma jirto. Shaqo walbana waa la isugu imanayaa oo waan aaminsanahay dad aan sarriflayaal ahayn shaqadii in ay galeen hawshaasi laakiin waa hawl Baanka u taalla. Haddii ay sicir barar hor leh keento iyo haddii ay dhib iyo dheefba keento Baankaa ka masuul ah. Hawshaasi ma ah mid annaga na khusaysa ee Baanka ayay masuuliyaddiisa tahay wixii ka yimaadda iyo wixii kaleba. Arrinkani waa arrin suuqa ku soo kordhay, wixiina waxa uu gacanta u galay dad aan sarriflayaal ahayn laakiin haddana cidda jidiidin karta ee Liisanka bixin kartaa waa Baanka. Wali hawshu way socotaa waana la bixinayaa liisanka. Markaa wixii arrintaasi ka yimaadda ama sicir barar ha ahaato ama wax kale kolay Baanka ayay Masuuliyaddiisa tahayā€¯. Ayuu yidhi Mudane Barkhad Coofiye, Guddoomiyaha Sarriflayaasha Somaliland.


Si kastaba ha ahaatee, Sarrifka lacagaha qalaad ayaa in muddo ah waxa uu yahay mid sugan kadib dadaal badan oo ay xukuumaddu ku kaantarooshay in aanu sarrifka ku iman wax kor u kac ahi halka uu maanta yahayna ku negaado taasi oo ay qaar ka mid ah sarriflayaashu walaac ka muujiyeen in ay xagal daaciso ablikeeshannada iyo dad badan oo aan ehel u ahayn suuqyada sarrifku in ay xaaladda dhinaca kale u baddalaan oo ganacsigii sarrifka laga dhigo xayaysiis iyaga oo xukuumadda ugu baaqay in ay degdeg wax uga qabato.

Loading...
Loading...