Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988 Qeybta 5aad

0
Monday July 13, 2020 - 10:17:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988 Qeybta 5aad

    Qalinkii: Maxamuud Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Maxamuud Biixi



(c)Qorshihii dagaalka siduu u hirgalay iyo god-doloolooyinkii dagaal ee 3da Aag

 

 

@  Hargeysa: Aaga Maka(Hargeysa) waxa hogaaminayey, saraakiil xogta dagaalka iyo sooyaalkii ka horeeyey ee halganku marayey, warkiisu ku yaraa. Taas oo ay ugu wacneyd iyagoo xabsi ku jirey muddo sanad ah, iyagoo loo tiiranayo in ay rabeen shirqool lagu khaarajinayo Gudoomiye Siilaanyo ay faraha kula jireen. Waxaan ka mid ahaa Korneyl Maxamed Cumar Samatar(Taliyihii Guutada Sayid Cumar), Gaashaanle Dhexe Ibrahim Dhagaweyne(Taliyaha Aag Hargeysa), Laba Xidigle Muuse Biixi Cabdi(Madixii Sahanka aaga Hargeysa) inta kale ee taliska kula jirteyna haba yaraatee aad bey u yareyd dagaal jabhadeed ay galeen, marka laga reebo C.lahi Askar oo isaguna hawlgalkii Buuraha Galbeed 1984 kii, ku guul-dareystey, ciidankii uu wateyna wax yar baa kasamata baxeen. Halkaas oo ay ka timi in taliska aaga Maka, aaney hoosba ula socon hanaanka ciidan ay dagaal galinayeen.

 

 

Amaba waxa dhiciba karta, in ay saraakiishaas rabeen in ay kaba aarsadaan, ragii xidhey oo ah kuwa dagaalka go’aamiyey. Tanina marar badan ay jabhadu gudaheedu isku adeegsatey, ahaana mid caan ka ahaa gudahooda, in ay is mija xaabiyaan, qasaaruhuna halganka uun ka go’naado.

 

(b) Hargeysa: dib u dhacii 4ta maalmood waxa uu ku keeney in ay waayeen khariiradii(Map of the War) ee qorshihii hore loo dhigey, ee labada aag ee kale isticmaaleen. Iyadoo aaga Hargeysa ahaa kii ugu hor-diyaar garoobey, hadana cagajiidkan dambe, waxa uu ku keeney in ay lumiyeen ciidankii kaga filnaan lahaa tiraba 11 fadhi-ciidan oo ahaa xeryo isdaba yiil, ka bilaabmayey, Hargeysa Airport ilaa Xeradii Gantaalaha ee Naasa-Hablood.

 

(c) Hargeysa: dariiqii ay soo qaadeen oo ahaa mid aaney hore u qorsheysan, oo aan mudo dheer la marin, kaas oo ahaa wado xagaaf, baabuur yar-yar oo xaabada uguri jirtey xerta Sheekh Cumar adeegsan jirtey, mudo badan-na laba isticmaalin. Kaas oo daad jarey, meelo kalena dhir waaweyni, ku baxdey. Halkaas oo Jabhadu u adeegsatey gaadhigii uu saarnaa qorigii ugu muhuumsanaa ee Jabahdu heysatey ee ahaa PM(Grad)-42-dhuumood, in sida cagafta qoriga iyo gaadhigaba lagu baneynayey dhirta. Taasoo aakhirkii keentey in gaadhigii dhaawacyo uu ka socon waayey ku yimid, aakhirkiina faqashtu gubtey, madfacii kaliga ahaa ee SNM-tu heysatey(strategic weapon) gacanta Jabhadana si sahal ah uga baxey.( Xasan Ubaxle Ganey)


 

(d) Hargeysa: qorshe dagaal oo golle-ka fuul ah ayaa intii lasii socdey lagudoonsadey, kadib markii, himiladii aheyd in la buuxiyo qeybtii Bari-Hargeysa ee ciidankii Cadaadley qabsadey baneeyeen. Taas oo ay ka dambeysay jid-gooyooyin goos-goos ah, oo taliskii SNM ee Hargeysa garwaaqsadeen, in uu awoodoodu u saamaxeyn in xeryaha Bariga Hargeysa aaney ka dagaal gali karin. Waxa ay gudoonsadeen, in lagalo taliska Qeybta 26aad iyo xerada Birjeex. Waxay ku horeeyeen taliskii Qeyta 26aad, halkaas ay aheyd goor habeenimo ah, ciidankii Siyaad Barre-na laydhkii dansadeen, goobtaas sida uu sheegey madixii tiknikada jabhada Muj: Hasan Ubaxle(Ganey) rasaasta habeenkaas dhaceysay in ay aheyd tii jabhada, waxii dhaawac iyo dhimashaba soo gaadhey ay iyagu iska dileen iskana dhaawaceen(friendly fire).( Hasan Ubaxle(Ganey)

 

(e) Hargeysa: in ciidankii Jabhadu ay kala jabeen, qeyb badankoodu Sancaani ahaa, oo ku riiqdey dagaalkii qeybta iyo Birjeex, iyo intii badneyd ee Sayid Cumar ay Magaalada Hargeysa, hore ugu sii galeen, oo gabi ahaanba ka samatabaxeen, go’doonkii Sancaani galay.

 

Halka guutadii 20-aad badh magaalada kusii jirey, iyo wax jidgoyn u hadhey oo magaalada dibadda ka joogtey. Sida uu Muj: Cali-Gurey ku waramey, subixii June 1da aheyd uu Maxamed Cumar Samatar, oo gidaar fadhiya ugu yimid, halkaas oo Cali Gurey watey ciidan 70-neeyo ah, kana qaatey Korneyl Samatar Siidhigii dagaalka, iyo 70 ciidan ah oo wadartooda guud isku noqdey ilaa 140 askari. Mujaahid Cali Gurey waxa uu suaal galiyey, halka ay mareen in ka badan 8 boqol oo askari oo xaley soo galay gudaha magaalada halkeey ka dhaceen. Waxa loo fasiran karaa, in ay magaalada iskaga baxeen ama horeba higilka uun ciidanka u buuxinayeen, oo aaney qoryaba sidan.

 

(f)Hargeysa: iyadoo aaga Hargeysa(Makah) ahaa ka ugu diyaar garoobey, hadana ay layaab noqotey sababta aaney u wadan, qalab isgaadh-siineed, sida ciidankii dhigooda ahaa, ee galay Burco, oo iyagu sitey isgaadhsiin. Isgaadhsiintaasi waxay ciidankii Burco u saaxamdey in ciidankii sahanka u ahaa kaga filnaadeen dhamaan jid-goyntii Faqashtu u dhigtey, ciidan weynahii SNM ee Burco dariiqa toobiye ahna ay heleen.(Doolaal, Ismaaciil Cali Farlow).

 

Halka ciidankii SNM ee Hargeysa galey, ku jilcey jidgooyihii Faqashta, iyadoo ciidankii gutada 20aad, ee loo cugtey jidgoynta; haba-yaraatee la waayey. Ka darane in dhalinyartii reer Hargeysa ay ahaayeen kuwa ciidanka lumey ee magaalada dhexdeeda habqanka ku ahaa, ay kolba goosan soo helayeen, oo taliska kusoo ururinayeen.(Xuseen Aden Cadde, Cali Gurey)

 

(g)Hargeysa: meey jirin wax xoojin ciidan ah oo kusoo biirtey ciidankii Hargeysa soo galay(abaabul-la’aan), oo aaney jirin cid isku xilqaatey, oo xidhiidh u aheyd taliskii guud ee aaga Maka(Hargeysa) iyo dadkii joogey deegaamadii ay kasoo guureen, marka laga reebo, ciidankii Sancaani oo qorshahaas galay sidii ay sameeyeeyn ciidankii Burco. Hawshaas oo taladeeda lahaa, Suldaan Maxamed Sudlaan Faarax, oo ciidankii Nageeye ee hubeysnaa ee 6 boqol ahaa, 5 maalmood gudahood Hargeysa keeney.( Ahmed Cali Direysi, hogaanka caafimaadka ee aaga Maka).


 

(h) Hargeysa: waxa magaalada Hargeysa ku kaliyeystey ciidankii Sancaani oo mudo 14 cisho ahna si joogta ah, isku waajahayeen ciidankii cuslaa ee Faqashta, ee deganaa Hargeysa iyo deegaamada ku hareereysan sida gurmadkii Berbera ee toos Xamar looga soo gurayey, Dararweyne iyo 3 xero qaxooti oo Hargeysa Bariga k axiga. Waxa xusid mudan dagaalkii ugu cuslaa ee 13 June ee xeryaha cadowga 11aad, Kabidda, 24aad iyo gantaalaha, kaas oo uu fuliyey ciidankii SNM ee Cadaadley ka yimid, hadii maalintaas uu ciidankii 20aad ama Sayid Cumar, dharaartaas dhabar jabin kusameyn lahaayeen, ciidankii faqashta ee Masalaha Airport ka. Waxa hubaal aheyd in Faqashta laga xoreyn lahaa Hargeysa, Cali Samatar, Gabyow iyo Moorgan intaba nolol lagu qaban lahaa.(Ahmed Cali Direysi, hogaanka caafimaadka ee aaga Maka)

 

(i)  Hargeysa: waxa jirey ciidankii guutada 5aad ee SNM, uu gaaf-wareegayay inta u dhaxeysa, Arabsiyo, Geed-Deeble iyo Agabar(Waqooyi-Galbeedka Hargeysa), iyo ciidan kale oo ahaa 20aad oo isna wareegayay deegaanada ay ka mid yihiin Sayla, Caudaroosh, Sheekh Mooldhe(Koonfur-Galbeed Hargeysa), oo uu watey Korneyl C. Raxmaan Dhool-Dahable (Xuusho). Ciidamadaasoo dihin(fresh) waxay aheyd in ay gooyaan dariiqa Hargeysa iyo Gabiley, ama Dhabar-jabin dhanka Airportka, ama difaacaan maatida iyo dhaawaca Deeble wadhnaa. Halka ciidankii Cadaadley jareen dariiqii Hargyesa- Berbera, difaac adagna u sameeyeen jiida Dararweyne(Xuseen Aadan Cadde). Halka Sancaani iyo ciidankii Cadaadley ay ahaayeen kuwa kala qeyb qaatey dagaalkii Deeble dhaawaca iyo maatida joogtey lagu difaacey, kaga yimi, jabhadihii Ugaadeenka iyo Oromada ee deganaa xero qaxoonkii Agabar(Laas-Dhuure).(Muxsin Aw-Cali, Xuseen Aden Cade)

 

(j)   Hargeysa: SNM waxay nasiib u heshey in muddo 3 maalmood ah oo ciidankii Siyaad Barre ku jireen, difaac si ay u hubsadaan, ciidanka Hargeysa soo galay yahay mid sahan ah, oo ciidan weynihii SNM-na uu kusoo waajahan yahay. Maalmahaas 3da ahi fursad wacan ayeey siiyeen Jabhadii ay isku urursatey, kuna sameysteen saldhigyo ay kasoo duulaan(Cali Gurey).

 

Laakiinse, Cali Gurey, waxa uu ilaawey, in Faqashtu horeba u ogeyd ciidanka Hargeysa soo galay, iyo awoodiisu in aanu sidaas usii ridneyn. Sidaas darteed waxa faqashtii qorsheysatey in ay Cadaadley doorbideysay marka hore, sidii gacanta loogu dhigi lahaa, halkaasoo uu waxii ciidan ku sugnaa min Ina-Guuxaa ilaa Daba-Gorayaale ilaa Dararweyne iyo Ciidan ka yimid Gaas 2aad, Birjeex iyo Gaas 1aad Galbeed ay weerar ku soo qaadeen Cadaadley, goobtaas oo faqashtii lagu liqey, taliye Kaahiye-na isdiley. Taariikhduna waxey aheyd 1-3 June. Intaas oo aheyd maalmihii gudaha Hargeysi huursaneyd.(Faarax Ifiso)

 

 

 

(k) Hargeysa: Sidoo kale 1998-kii Korneyl C.laahi Askar Barkhad sheegey, in dagaalkii Hargeysa uu ahaa mid ismiidaamin ah, oo aaney jirin qorshe cad oo ay ka lahaayeen sii wadida dagaalka Hargeysa. Halkaas oo ay ku shireen taliskii guud in ay ka baxaan Hargeysa oo galaan Buuraha Gacan-libaax iyo Wagar, halkaas oo sida uu sheegey jabhadu ka dagaalami karto, difaacna ka gali karaan, hubkii Lixle ku aaseyna ka qaadan karaan!!!! Waxa


 

uuKorneyl Askar ku darey, in Muj. Maxamuud Heybe Goodhaadh ahaa shaqsiga ka diidey soo jeedintaas. Kuna tiraabey in aan Ciidanka Siyaad Barre looga tagin shacabka, lagana bad-baadiyo gumaad loo geysto, marka shacabka laga wada saaro magaaladda, ay jabhadu ka tashato halka ay u guurayso. Taladaasina ay noqotey tii laqaatey(Hargeysa spice channel 1998)

 

 

 

Lasoco Qeyta 6aad

 

Maxamuud Biixi

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...