Danta Dalka Iyo Dadkuba Waxay Ku Jirtaa Qabsoomidda Doorashooyinka.

0
Monday July 13, 2020 - 09:54:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danta Dalka Iyo Dadkuba Waxay Ku Jirtaa Qabsoomidda Doorashooyinka.

    W/Q: Fu'ad Abdisalam Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'ad Abdisalam Hassan


 

Ugu horeyn, Waxaan saddexda xisbi qaran ugu hambelyeynayaa heshiishka ay ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanka dalka, Waa dareen ay ku diirsadeen shacabku guud ahaan madaama dib u dhacyo badan ku yimi doorashooyinka.



Qabsoomidda doorashooyinka olayaasha wakiiladda iyo deegaanku waa dhiig cusub oo lagu hubayo eedi scodka Siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo amni ee qaranimadda Soomaliland, Dhib u dhacyadii kala danbeeyey waliba jiitamey ee hadheeyey doorashooyinku waxay jug soo gaadhsiiyeen hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, sidoo kale waxay mugdi galiyeen xidhiidhka guud ahaan Soomaliland la laheyd qaadhaan bixiyayaasha iyadoo si toos ah iyo si dadban loo joojiyey ama loo hakiyey mashaariico badan oo dalka ka hirgali lahaa tobankii sanno ee u danbeeyey.


Inta badan dib u dhaca doorashooyinka waxaa keena iyadoo aad ay isugu dhaw dhawyihiin doorashooyinku, sidoo kale duruufaha qaranka ku hareereysana mudooyinkii u danbeeyey kordheen sida dhaqaale la;aan iyo abaaro dalka soo wajahay, arrimahaas oo is biirsadey waxay keeneen in ay adkaato qabashadda saddex doorasho muddo shan sanno gudahood ah.


Waxaa kale oo Iyana xusid mudan, buuq siyaasadeed oo madhalays ahaa kaas oo saddexda xisbi qaran la yimaadeen, kuwaas oo niyad jab weyn ku ridey shacabka Soomaliland gaar ahaan murashaxiinta fara badnaa ee ku taamayey in ay ka qeyb galaan doorashooyinka dalka, Murankan oo ay haboon tahay in ay casharo ka bartaan xisbiyadda siyaasiga ahi si aan dib loogu noqon ayaa kama danbeystii keeney in rajadda qabsoomiadda doorashooyinku soo bidhaanto.


Laba arrimood baa muhiim ah in maanta loo tafo xeyto sidii guul looga gaadhi lahaa:


1.        Xal u helidda iyo maareynta caqabadaha hortaagnaa mar walba walibana soo noqnoqda xilligga doorashooyinka oo ay ugu horeyso arrinka saami qeybsiga iyo dhameystirka xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka dalka, inkastoo ay muuqato in aaney suurogal aheyn saami qeybisigu hadana waxaa haboon in la abuuro jawi laga bixi karo culeyska arrinkaasi leeyahay oo loo dhan yahay, meelna lagu tiiriyo sidii mustaqbalka dhaw si kama danbeys ah loo hirgalin lahaa saami qeybsi lagu wada qanacsan yahay guud ahaan reer Soomaliland oo dhan



2.       Iyadoo laga faaideysanayo casharadii laga bartey doorashadda xildhibaanadda golayaasha wakiiladda iyo deegaanka, in saddex xisbi qaran iyo bulshadda oo is kaashanaya soo xulaan shakhsiyaad gudan kara sidoo kale dabooli kara masuuliyadda iyo waxqabadka bulshaddu ku taameyso. Bulshadduna dareento in cida awood leh ay iyaga tahay oo ciday doortaan berri meteli doonto.


Guud ahaan qabsoomiyadda doorashooyinku waa guul balaadhan oo qaranka u soo hoyaneysa, cida kaliya ee ka faaideysana waa shacabka oo ah awoodda u sareysa ee dalka  madaama dhamaan hayaddaha dalka doorasho dadweyne ku imanayaan, ka sokow waajibka saran xukuumadda waxaan shacabka ku adkeyn lahaa in loo tafo xeyto diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashooyinka si hufan inagoo ilaalineyna mar walba tiirarka qaranimadda oo ay ugu horeyso amniga iyo wada jirka bulshadda.



Fu’ad Abdisalam Hassan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...