Hirdanada Geeska Africa Iyo Halisaha Qarsoon !!!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Ilaa iyo maalmihii dhowaa ee Somaliland iyo Taiwan xidhiidhkoodu
caalamka ku baahay , ayaa waxa aad u diidan ugana soo horjeeda dawlada
China oo ka mid ah maanta quwadaha aduunka ugu waaweyn ee xaga awooda
iyo dhaqaalahaba , waxaana warbixino barahooga Twitterka ku qorey
safiirka chine ee Somalia iyo afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee
China oo si cadho leh uga hadlay xidhiidhkaa dhex maray Jamhuuriyada
Somaliland iyo Taiwan.
Waxa uu china dhawr maalmood ka hor ku sameeyey bada cas gaar ahaan
meel aan badda Somaliland ka fogeyn dhoolatus ciidamada ah oo uu
awoodiisa soo bandhigayo taasi oo loo qaadan karo in uu Somaliland
hanjabaad uga dhigayey , waxaana aad loogala socday Tvga weyn ee China
ee la yidhaa Cctv+ .
Waxa xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan soo dhaweeyey
dawlada maraykanka oo bogaadisay , taasi oo iyaduna macno weyn iyo
saameyn layaab leh ku sameysay dawladaha China iyo Somalia oo labadaba
uu u cuntami laayahay xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan oo
maalmihii ugu dambeeyey saameyntiisa iyo hadal hayntiisu aduunka
saameysay.
Waxa aad aduunka si dhow ula socdaa dhaq-dhaqaaqyada ka socda Geeska
Africa iyo Badda Cas oo aad moodo in aduunkii halkan ku soo ururayo ,
waxa la saadaalinayaa in uu isaguna u soo xadhko xidhay in Ruushku
yimaado aagan badda cas iyo Gobolka Geeska Africa , gobolkani oo kulmin
doona wadamada aduunka ku tartamaya.
Hadalkii dhaxalgalka ahaa ee raisal wasaraha Ethiopia ka Dr Abiy
Ahmed Ali ka jeediyey munaasibadii lagu gudoonsiinayey jaaisada ayaa
waxa uu ka biyo diiday saldhigyada ciidamada ee ku soo badanaya Gobolka
Geeska Africa iyo Badda Cas waxaana uu yidhi ma rabno in uu gobolkani
noqdo goob dagaal ( battle ground ) isaga oo xusay in ay argagixisada
iyo quwadaha aduunku Gobolkan isugu yimaadeen iyaga dagaal kuwada jira.
Mar kale oo la wareystay waxa uu carabka ku dhuftay sida ay dawladaha
bariga dhexe ay saameynta siyaasadeed iyo mid caqiido ba ugu leeyihiin
gobolkani oo ay ka mid tahay waxyaabaha uu la dagi laayahay in ay
farogalinta shisheeyuhu ku badan tahay .
Haddaba maanta waxa aad moodaa in halkii la isla soo dhaafay oo inta
joogta maaha e in badan oo kale ay soo socdaan , kuwa la saadaalinayo ee
danaynaya in ay yimaadaan waxa ka mid ah Israel , Uk , Russia , India
iyo Turkey oo isna in uu bada cas soo dago quud daraynaya , ilaa hadda
ma cada siyaasad uu gobolku isku og yahay oo lagu waajahayo dawladaha ku
soo qulqulaya , waxaana suuragal ah in aamitinkooda iyo soo degistooda
lagu kala aragti duwan yahay.
Somaliland oo ah meesha ugu muhiimsan Gobolka Geeska Africa ee
aduunku wada danaynayaa iyada lafteedu wali siyaasad cad oo qeexan badka
may keenin , hore waxa Somaliland looga qadiyey ciidamo wadamada
khaleejka iyo inta bada cas degani loo sameynayey in ay marinkan
ilaaliyaan maadaama oo uu aduunku oo dhan u muhiim yahay .
Waxaa loo fasiran karaa sababta ciidamadaa loogu sameeyey Badda Cas
in laga saaro dawladaha faraha badan ee saldhigyada dhulka iyo badda ba
ka sameystay Gobolka Geeska Africa iyo Badda Cas , maadaama ay sheegaan
in uu dalwaliba masaaliixdiisa iyo maraakiibta u maraysa marin biyoodka
badacas ilaashanayo una soo degay halkani.
Mohamed Abdi Jama
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...