Xukuumada Iyo Sadexda Xisbi Qaran Maaha In Ay Ku Kaliyeystaan Arimaha Doorashooyinka
Maadaama Lagu Jiro Marxalado Kala Guur Ah Oo Axsaabta Laftoodana Ay Mudadii 10 Sano Ahayd Ee La Doortay Gabaabsi Tahay !!
@Xisbiga Dadweynaha Somaliland
Somaliland waxa uu dastuurka Jamhuuriyadu qodobkiisa 23naad
siiyey muwaadiniinta in ay isku habayn karaan ururo , kuwaasi oo ay ka
mid tahay siyaasadu , sidoo kale waxa si cad u qeexay in 10 kii
sanadoodba hal mar la furo tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada
xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta Somaliland ee Xeer No/14 2011.
Haddaba muwaadiniinta Somaliland ee fursadaha siyaasadeed uu
dastuurka dalku u damaanad qaaday waxa ay u baahan yihiin in loo
ilaaliyo oo aan laga laalin xaq sharciga dalku u damaanad qaaday
muwaadiniinta reer Somaliland in ay helaan haddaba ;
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu ugu baaqayaa xukuumada iyo
axsaabta siyaasada Somaliland in aanay kaligood ku aheyn arimaha
doorashooyinka qaranka Somaliland qaybo ka mid ah oo shacbiga Somaliland
ka yihiin daneeyeyaal ilaashanaya fursadaha iyo xuquuqahooga
siyaasadeed .
Hadii aynu soo qaadano hal tusaale axsaabta siyaasada Somaliland iyo
xukuumadu waxa kaliya ee ay ka heshiin karaan waxii aan laalayn ama wax
u dhimeyn xuquuqaha siyaasadeed ee muwaadiniinta Jamhuuriyada
Somaliland, tusaale ahaan waxa badhtamaha sanadka 2021 xeerka nidaamka
ururada iyo axsaabtu Xeer No/14 2011, dhigayaa in si rasmi ah loogu
dhawaaqo furashadii ururada siyaasadeed, maadaama la gaadhay 10 kii
sanadood ee sharcigu tilmaamay in hal mar dib loo furo tartankaasi.
Iyada oo aynu ognahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo doorasho
la'aanta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ku habsatay 15 kii sanadood ee
ugu dambeeyey, oo ku abuuraysa dadka Somaliland rajo beel da'yarta
Somaliland na mustaqbalkoogii mugdi galinaysa , isla markaana sumcadii
uu qarankani aduunka ka kasbaday dhaawacday.
Sidaasi oo kale waxa ay axsaabta siyaasada Somaliland fulin kari
waayeen shuruucda iyo shuruudaha ee xeer 14 qorayo , waxaana aad moodaa
in asnay jirin cid ku ilaalisa sharciyada oo ay dabarka goosteen , taasi
oo maanta sababtay in shacabka Somaliland badankiisu doonayaan in
ururadii siyaasada dib loo furo.
Waxa lagu jiraa xili loo baahan yahay isbadel siyaasadeed iyo
darmada la fidiyo si soomaaliland usii haysan karto kaalinta xasiloonida
siyaasada, kaalinta dimuqaradiyadeed , sumcadii aduunka iyo ku sabida
shacbiga Somaliland rejada iyo mustaqbalka wanaagsan ee qarankan loo
rajeynayo oo ah mid umada Somaliland 60 sano halgan dheer ugu soo
jirtay.
Waxa siyaasada Somaliland dibada ka jooga 60% dadkii ay bulshadu u
baahnayd oo ay ugu mudan yihiin haweenka iyo dhalinyaradu oo raadinaya
xuquuqdooda siyaasadeed iyo kaalintii hogaamineed ee ay qarankan ku
lahaayeen, iyaga oo aad u eeganaya fursadaha sharcigu siiyey , loona
baahan yahay in la iska xilsaaro.
Waxa iyaguna jira in dadka Somaliland xiligan u baahan yihiin
isbadel siyaasiya oo macnoweyn kaasi oo la gaadhay xiligii laga fekeri
lahaa 30 soddonka sano ee soo socda qorshaha uu qaranka Jamhuuriyada
Somaliland ku waajihi doono maadaama oo ay hal sano ka dhiman tahay
soddon sano oo aanu qarankani caalamka ka helin aqoonsi caalamiya .
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu u soo jeedinayaa xukuumada uu
gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muse Bihi Abdi iyo Axsaabta qaranka
Jamhuuriyada Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid in ay xil iska
saaraan in ay muwaadiniinta Somaliland u ilaaliyaan xuquuqahooga
siyaasadeed isla markaana lagu talo gallo xiliga ururada la furayo.
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu sugayey iskuna diyaarinayey
ilaa badhtamihii sanadkii 2019 in uu ka qayb galo tartanka ururada iyo
axsaabta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee 2022 oo u baahan in wadada
loo sii xaadho lana xanaftiro wax kasta oo caqabad ku noqon kara
suurtagalnimadiisa.
Waxa aanu soo dhaweynaynaa in laga heshiiyey khilaafyadii gudiga
doorashooyinka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, walow aanu urur ahaan
isweydiinayno sida ay labada gudi doorasho isaga hoos shaqeyn doonaan ,
xiliga ay doorashada wakiilada Somaliland qabsoomi doonto maadaama oo ay
tahay ta kaliya ee aan wax u dhimeyn hanaanka geedi socodka
dimuqaradiyada Somaliland oo tacab badani soo gallay , isla markaana
laga yaabo in aanay khal-khal xiliga ah iyo mid sharci kale waxyeelaya
inagu keenin , walibana ay tahay ta mudo dhaaftay 10 sanadood xiligii u
asteysnaa.
Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu u soo jeedinayaa dawladaha
aduunka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka in ay dhawaqa iyo
tabashada muwaadiniinta iyo shuruucda Somaliland u dhago nuglaadaan ,
isla markaana marka la soo gaadho marxaladahan kalaguurka ah ee axsaabta
siyaasada xiligoodii la doortay ee 10 sano ahayd gabaabsi yahay aanay
kaligood wax ka qaadan ee bulshada rayidka ah iyo ururada u diyaar
garoobaya doorashooyinka dambe laga talo galiyo arimaha doorashooyinka.
Somalilandpeoplesparty
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...