Waa Maxay Maarayntoodu?

0
Monday July 13, 2020 - 09:42:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Maarayntoodu?

    W.Q: Faadumo Buuni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W.Q: Faadumo Buuni

Way adag tahay inaad ii sheegto maarayntooda hadda balse waad ka fikiri kartaa maarayntooda. Waxay u nugul yihiin in ay dhib badani ku dhacdo. Waxay u nugul yihiin inay dhaawacmaan xagga jidhka iyo xagga maskaxdaba,  waxay ka soo baxaan guryahooda xilli hore xilli dad badani wada hurdaan.



Waxay waayeen shaqo tan beddelkeeda ah. Waxay u taaganyihiin in wax laga iibsado uma furna tukaan hase yeeshee, garabada iyo gacmahooda ayaa  u tukaan ah. Sarajooga ayaa lagaga qaadaa cashuurta. Waxa yar ee ay  iibinayaan waa laga kala daadiyaa haddii la doonana bakooradbaa dabada loo qabtaa! "Socda ka dhaqaaq halkan.” baa lagu celceliyaa, iyagoo maantoo dhan cadceeddu haysay ayuu haddana roob ku da’aa markaasuu ka qooyaa waxay siteen mana helaan meel ay ka galaan waayo waxa lagu odhanayaa,” Naga baxa kuwiinan qoyani meel aad istaagtaan idiinma haynee.”


Iyagoo caloolyow hayo ayey ka soo dhaqaaqaan meeshii ay ka galeen roobka badan ee da’aya. Ma jirto cid gaysay meel ay degaan oo ay kaga raystaan bacadka, iyo bayhoofka daalka iyo dalandoolka. Rag iyo haweenba way leeyihiin.


Inta badan goobtan waxa kala soo baxa biilka, hooyooyin iyo wiilal dhallinyaro ah. Haa, waynu maarayn karnaa muraadkooda, waase markee? Waa marka aynu gacmaha is qabsanno ee aynu aqoonsanno in ay dadkeennii yihiin. In ay hooyooyinkeen yihiin oo inooga soo saara habeen iyo maalin muruqooda waxaynu ku noolaan lahayn, waa walaaladeen oo markay waayeen shaqo kale halkan ka dayey ka  xorowga iyo gacan hoos dhigista qayrkii. Ugu danbayn waynu maarayn karnaa waana marka ay dawladda hoose siiso goobo ay ku ganacsadaan si xor iyo xalaala.

 

W.Q:  Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...