Ururka ONLF Oo Shirweynihiisa Qarbidahare Ka Sheegay Inaanu Joojinayn Halganka Uu Ku Jiray

0
Monday April 15, 2019 - 17:37:44 in News by
  • Visits: 2254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka ONLF Oo Shirweynihiisa Qarbidahare Ka Sheegay Inaanu Joojinayn Halganka Uu Ku Jiray

    Ururka ONLF Oo Shir Uga Furmay magaalada Qarbidahare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka ONLF Oo Shir Uga Furmay magaalada Qarbidahare

 


Jigjiga(HWN):-Magaalada Qarbi dahare waxa si rasmi ah uga furmay shirweynihii 2aad ee ururka ONLF.





Shirweynahan ayaa waxa ka qayb galaya madaxda ugu saraysa ururka ONLF, xubnaha ku jira ururkaasi, madax dhaqameed ka socda deegaanka soomaalida Itoobiya iyo xubno kale.


Shirweynaha ururka ONLF ayaa lagu soo martiqaaday ururo kale oo ka jira dalka Itoobiya kuwaas oo heshiisyada nabada qaatay kuwaas oo uu ugu horeeya ururka OLF ee deegaanka Oromada iyo ururo kale.




Gudoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ka waramay taariikhda uu ururku leeyahay iyo halgankii dagaalada ku salaysnaa ee uu soo maray, waxaanu cadeeyey inaanay marna joojinayn halka ay ku jireen balse ay u badali doonaan dhinaca qalinka iyo inay hab nabadeed ku raadiyaan wixii ay rabeen.


Gudoomiyaha ONLF ayaa sidoo kale sheegay in mudada uu shirkani socdo ay ku faaqidi doonaan arimo muhiim u ah ururka, isaga oo tibaaxay inay ururin doonaan aragtiyaha dadweynaha isla markaana talada shacabka qaadan doonaan.


Sidoo kale waxa uu eedayn u jeediyey dawlada deegaanka soomaalida, isaga oo sheegay in socdaal ay ku soo mareen gobolada kala duwan ee deegaanka ay ku soo arkeen horumar la,aan ka jirta iyada oo aanay muuqan doorkii ay dawladu ku lahayd gobolada.


Dhinaca kale masuuliyiin kale oo ka tirsan ururka ONLF iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay furitaanka shirka 2aad oo ka hadlay shirka ayaa dhinacooda soo dhaweeyey shirkan, iyaga oo cadeeyey inay rajaynayaan in natiijo wanaagsani ka soo baxdo marka uu shirku soo dhamaado.


Loading...
Loading...