Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo ka Hadlay Caqabadaha Hortaagan Dib U Eegis Lagu Sameeyo Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) oo ka mid ah siyaasiyiinta somaliland ayaa heshiiska ay xisbiyadu ka gadheen doorashooyinka wakiilada iyo goleyaasha deegaanada dalka.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan waxa kale oo uu taageeray qorshaha dib loogu dhigay saami qaybsi mar kale lagu sameeyo kuraasta golaha wakiilada isaga oo cadeeyey caqabadaha haysta in lagu dhiirado dib u eegista saamiyada goboladu kala haystaan.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo ka hadlaya sida aanay labada komishan sharci ahaan u wada shaqayn Karin ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan u sheegay inaanay isqaban in laysdul saaro komishan doorasho oo sharciya iyo mid wakhtigiisu dhamaaday, markii horena waxay ahayd fikrad aan laga fiirsan balse iyada oo la eegayo buuqii taagnaa isla markaana la raaligelinayo dhinac walba balse hada waxaan u arkaa inaan loo baahnayn mar haday xisbiyadii heshiiyeen oo murankii meesha ka baxay oo ay goosteen iyaga oo midaysan ay doorashadii isu raaceen looma baahna guddidaas farsamo”ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo u waramay Bulshotv.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa meesha ka saaray dib u eegis lagu sameeyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi "beelaha darafyada iyada oo aan la soo qadimin dad badan ayaa wax tabanaya arinta saami qaybsiguna waxay u baahan tahay in la sameeyo tirakoob guud oo qaran, cidii wax isbidaysay ee lahayd waxbaa naga maqan halkaas ayey ka soo baxaysaa,markaa ilaa tirakoob la qabto way adag tahay in la sameeyo saami qaybsi waanay adag tahay.”
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Cida koowaad ee wax ka maqan yihiin waa caasimada waxaanan leeyahay cid kasta oo wax tirsanaysa waa inaan isku raacnaa sida hada lagu heshiiyey ee ay doorashadu ku qabsoomi karto hadhawna tirakoob guud dalka laga sameeyo, caalamkuna goob joog ka ahaado natiijada ka soo baxdana lagaga go’aan qaadan doono saami qaybsiga”


0 





