Nuxurka Heshiis Ay Somaliland La Gashay Hay'add Sucuudi Ah
Hargeysa(HWN):-Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Boqor Salmaan ee Sacuudiga ayaa heshiis wada shaqayneed oo ku saabsan deeqaha iyo mucaawinooyinka kala saxeexday.

Heshiiskan ayey si wada jir ah u saxeexeen guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Boqor Salmaan u qaabilsan geeska Afrika.
Ugu horayn waxa xafladdii heshiiska lagu kala saxeexday ka hadlay guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), oo uga mahad celiyey masuuliyiinta hay’adda Boqor Salmaan dedaalkii deg-dega ahaa ee ay ka geysteen dadkii waxyeeladu dhawaan ka soo gaadhay dabkii ka kacay xaafadda Barakacayaasha ee Istanbuul ee bariga magaalada Hargeysa, isaga oo intaas ku daray in wixii imika ka dambeeya ay hay’adda Boqor Salmaan ugu talo gashay kaalmoooyinka ugu talo gashay barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland ay soo marin doonto hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, iyaga oo waliba wixii agab ah ee ay bixinayaan la soo dagi-doonin, balse ay ka iibsan doonaan ganacsatada dalka.
Geesta kale, waxa isna goobtaas ka hadlay ku xigeenka hay’adda Boqor Salmaan ee geeska Afrika, wuxuuna u mahadnaqay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka oo uu tilmaamay in ay wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso, isaga oo intaas raaciyey in deeqdii ay dhawaan gaadhsiiyeen barakacayaasha xaafadda Istanbuu ee magaalada Hargeysa aanay noqon doonin toodii ugu dambaysay oo ay fulin doonaan kuwo dambe, kuwaas oo si toos ah loo soo marin doono hay’adda qaabilsan ee qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka.


0 





