Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988 Qeybta 4aad.

0
Sunday July 12, 2020 - 10:04:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Guud Guda-Galkii SNM Ee Sadexda Aag Ee Cadaadley, Hargeysa Iyo Burco 1988 Qeybta 4aad.

    Qalinkii: Maxamuud Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Maxamuud Biixi

Hadaba sida uu ii sheegey Muj. Ismaaciil Cali Farlow oo dagaalkii Burco wadey gaadhi tikniko ah, waxa uu yidhi, ”waxaanu soo jiidhney ciidan Faqash ah, oo rabey in ay naga hor istaagaan magaalada. Markii aanu nimid magaalada waxaanu dadkii weydiiney halkey ku yaaliin goobihii noo qorsheysnaa in aanu galno, halkaas oo markii nala tilmaameyna ciidan waliba galey meeshii uu heystey khariiradiisa”. Dhanka jidkiinabdoonaa ee Burco u mareen,waxa lasii sahamiyeybil ka hore intaan dagaalkaba la galin.



Waxa xusid mudan, in sanadkii 1987-kii, iyo 1988kii, labadaba uu taliyihii guud ee ciidanku Axmed Mire, uu shirabey(Pilot test) marar kala duwan. Sida uu ku waramey Muj: Yuusuf Faarax Xasan(Rabadh) oo ahaa ninkii sahamiyey fadhigii ciidan weynihii aaga Libi-Sagaala, 1986-kii, kaas oo Ahmed Mire uga gol-lahaa, sida ciidan culus oo difaac ah, loo weerari lahaa, iyo caqabadaha qasaare, naf iyo mood-ba leh ee ka iman kara. Xeryahaas oo la mid ah kuwa ku yaal magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo Cadaadley.


Dagaalkaas oo ciidankii jabhadu ay ka gaws-adeygeen in ay u badheedhaan weererka xeradaas adkeyd, iyadoo ay ku wareegsaneyd miinooyin xad-dhaaf ahi oo isdaba yaaley. Waxaaney aheyd goob ay faqashtu ka weerari jirtey deegaamada SNM-ta ee Ethiopia sida Cabdi-Yuusuf, Burco- Goobo, iyo Kaam-Liibaan.


Yeelkeedee, Korneyl: Ahmed Mire waxa uu raacey gaadhi Bye Bye ah, waanu hor-galey ciidankii halkii Mujaahid Rabadh ka sahamiyeyna wey ka galeen. Isla markiibana darawalkii iyo Ahmed Mire- na wey ka boodeen marka ay weydaarteen kadinkii xerada.


Markey ka boodeen, ayeey miino isla meeshii Bee Bee-gii kula kacdey, laakin nasiib wanaag ciidankii isagoo lug ah ayeey xeradii galeen, kuna dagaalameen, dhaqsana u qabsadeen, ilaa 6 tikniko ah iyo kuwa kale oo xamuulka ah iyo booyad shidaal ahna, wey kasoo kaxeysteen iyo saanad weyn oo rasaas iyo hub isugu jirtey.


Markale waxa uu Mire tijaabiyey goob kale oo ah xeryo ciidan oo isdaba yiil. Taas oo aheyd xeradii iyana adkeyd ee Bali-gubadleiyo tii 15 km ka xigtey dhanka Hargeysa, ee Gumburaha-Banka. Dharaartaas iyana si fudud ayeey usoo jeedheen ciidankii Bali-Gubadle, halkaas ay jabhadu dhaqso usoo gaadhey Gumbaraha, oo ay wafti saraakiil ah oo uu ka mid ahaa taliyihii jiidaas ee Faqashta loona yaqaaney Korneyl Lug-Yar, kana mid ahaa, ragii faqash ee xabaddu leeftey, goobtaasna ku naf-waayey.


Waxa hodanti ah, in iyana taliyihii ciidanka SNM Muj. Mire uu iyana bilaabey in uu tijaabiyo, sida taliska Siyaad Barre uga fal-celin karo, hadii jabahadu goobo ama deegaamo gudaha dalka ah qabsato, iyo sida ay jabhadu u xejisan karto goobaha cusub ee cadawga ka kiciso.



Waxa guluf aan kala go’ laheyn horenalooga baran SNM ay ku qaadey goobodagaaladda ka dhacaaay xadidnaayeen. Kuwaas oo ahaa aagaga galbeedka Hargeysa sida Geed-Balaad, Faraweyne iyo Aleybadey. Dagaaladaas oo soconayey mudo todobaad ah Gugii 1987-kii ayuu xog-hayihii arimaha dibadda ee SNM, Abdirahmaan Ahmed Ali (Tuur), ka baahiyey laanta Af-Somaliga ee BBC-da in deegaamadaas ay SNM xoreysay gacantana ku hayaan, iyadoo waqtigaa si toos ah Idaacadda BBC-du u tabisay dirirtaas maalmaha socotey. Goobtaas oo ku geeriyoodey Mujaahid Maxamed Yuusuf Cabdulle (Bawlad) oo ahaa taliyaha ciidanka gaashaaman ee Sayid-Caliee aaga dhexe, maalintaasna abaaduule ka ahaa hawl-galkii Faraweyne, Aleybadey iyo Geed-Balaadh, ka dib dagaal lagu hoobtey oo ciidankii faqashtu ku gubeen tuulooyinkaas khaasatan Geed-Balaadh, waxii dhaamam iyo ceelal ahaana dumiyey, dadkii yiiileyna dhamaantood u barakaceen xeradii qaxootiga ee Xarshin.


Gen. Morgan, dharaartaas talo ayaa ku cadaatey, ilaa waxa uu ciidan ka soo gurey deegaanka Bali- dhiig si jabhada looga saaro, deegamadaas xasaasiga ah Hargeysa na u jira 30 km. Waxaan xasuustaa in ciidamadaas Siyaad Barre ee ka yimid Bariga uu watey sarkaal la odhan jirey, Nageeye oo dadweynahaaad u dhibey uu ahaa,ragii faqashta ahaaee meeshaas ku lee’day.


Lasoco Qeyta 5aad

Maxamuud Biixi 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...