Dar-Daarankii Waaray. W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

0
Sunday July 12, 2020 - 09:49:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dar-Daarankii Waaray. W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Xaaji aadan wuxu ahaa Nin si walba ugu tirsanaa aqoonyahankii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaji aadan wuxu ahaa Nin si walba ugu tirsanaa aqoonyahankii,

 maansoyahanka ahaa ee dadka soomaliyeed dardaaranka uga tegay.



Gabaygan soo socda wuxu tiriyey xili xaajiga la xidhay oo uu xabsiga u taxaabay gumaystihii ingiriisku isagoo markaas walibana xanuunsanaya, dabadeed Nin wayni wadkii waa yaqaanaaye intu maah-maahdaa adeegsaday ayuu is yidhi bal naftu waa neef soconaysee umadan dardaaran taabogal noqda uga tag. Runtiina abwaanku wuxu goobtaa ka mariyey gabay dareen taabad leh oo dadka wax door ah ka badalay sidoo kalena tusay cadaawada uu gumaystuhu u hayo umada soomaliyeed.


Ararta gabayga ayuu abwaanku kusoo bandhigayaa duco iyo tuugmo uu eebe weyne in badan ka hor uu ka duraantay kana dalbaday, baryootankaas uu eebe weyne kaga tuugay arimo badan, ugu horeyn wuxu eebe weydiistay inu u iftimiyo iftiinka kiisa fiican oo uu uga jeeday inu dhibka gumaystaha ilaahay soomali tusiyo, wuxu ku xigsiinayaa dedaalkii uu marwalba ugu jirey soomali iyo kaalintiisii guubabada iyo ururinta bulshada, dedaalka dheer ee aan kala joogsiga lahayn ee horseedka ka ahaa, hurdada uu abwaanku ka tegay ayuu ku xejinayaa, sida ololka geella oo kale inu Somali ugu dhawaaqay, anfacadii iyo soortii uu ka tegay ee uu ka haajirey, ajanabigii uu afrikaanka uga digay ee dakanooyinkooda inoo sheegay ayuu ku xejiyey, albaabadii uu tumay ee uu dadka uga yeedhay, sidoo kale xaajigu wuxu soo ban-bixinayaa dhibaatooyinkii umada soomaliyeed gumaystuhu ku hayey iyo kuwii ay iyagu isku hayeen, talo la’aantii u meel martay soomali, tafaraaruqii, aqoonyaraantii bulshada sida weyn uga muuqatay. Gabogabada gabayga wuxu abwaanku kula talinayaa soomalida inay indhaha furaan oo hurdada ka kacaan, axmaarada iyo gumaystaha tashaday ayuu ogaysiinayaa, hubka iyo rasaasta Somali loo haysto ayuu dareensiinayaa ee gumaystuhu axmaarada u gacan galiyey si ay soomali ugu xasuuqaan, ergooyin dhulka somalida loo diro oo nabada xidha oo adkeeya ayuu ku guubaabinayaa, wuxu talo waayeel ugu soo jeedinayaa in eebe weyne la baryo isaga lagu xidhnaado, in gumaystaha lala diriro iyo dagaal loogu hub qaato diyaarna loo ahaado, wuxu xasuusinayaa in hubka soomalidu haysato ee waranka, seefta, afbalayda, hootada, gaashaanka iyo wixii lamid ah ay u dhiganto madfaca ay gaaladu haysato waxaanu xaajigu dhab u aaminsan yahay inay isku itaal labadaasi yihiin, wuxu tusaale fudud ugu soo qaadanayaa libaaxa aarka ah oo mararka qaarkood u dhinta qaniinyada kaneecada taas oo cadaynaysa in sida loo kala xoog badan yahay aan loo kala adkayn, gabogabada gabayga wuxu ku dhiirinayaa in aanay joojin ololaha xornimada lagu baadigoobayo waxaanu yidhi:


·       Waxbadan baan ilaahoow lahaa noo iftimi nuure

·       Waxbadan baan ikhwaankay ku idhi urursadoo kaca’e

·       Waxbadan baan alaylkoo badh tagay aad u daakiraye

·       Waxbadan baan sidii igadhka geel ololay heestaye

·       Waxbadan baan anfaco lay dhigiyo oon ka haajiraye

·       Waxbadan baan ajanabi uga digay reer ifriiqiyo’e

·       Waxbadan baan albaabada tumay oo soo ordoo idhiye

·       Marka eega odoyoobay oo waan itaal gabaye

·       Ifkana talo Ma kala qaadano oo waa isu ogayne

·       Aakhiro hadii aan tago oo iilka lay geeyo

·       Itixaada waataad sidii adhi ahaydeene

·       Aqoona yeesha waa jaahilnimo waxaydun eedeene

·       Is aqbala qabiilnimada waad ku ambanaysaane

·       Is adeeca uurxumadu waa aayatiin li’iye

·       Ujeedada la qarinaayiyo amar dhamaan doonka

·       Waa waxa  dadkeena aakhiree kaa iska ogaaada

·       Ha eekaaninee su’aal ninkii odhankara u dhiibta

·       Aduunyo  cilmaa qaaliyee urursha  maalkiina

·       Ishtiraaga iyo xoolo badan jeebka ku adkeeya

·       Ixsaan fala waxbadan baa faqrigu uur ku ridayaaye

·       Ikhyaartiina daacada tashiga wada ogaysiiya

·       Ixtiraama waayeelku waa odayadiiniiye

·       Ahlan dhaha wadaadadu cilmay kuu akhriyayaane.

·       Inamada koraayaa waxay ku aflaxaan fiirsha

·       Edebta iyo hablaha sharafka bara waa islaamnimo’e

·       Umuhaadka diintiyo sharciga uga arkaan sheega

·       Axmaqnimo wixii keenayiyo turubka eekeeya

·       Ahdaaftiina xeerkood jartaan haw asal ahaato

·       Faqriga aabihiis waa fadhiye aad u camal yeesha

·       Adigoon indho lahayn waqtiga meel ha ku idlaynin

·       Allaahu akbar dhaha waa nasriga udubadiisiiye

·       Aboorkuba alaylkuu dhistaa aqalo waawayne

·       Markuu ururo daartuu ebyeybaa la ashqaraaraaye

·       Iliil musaliina isku xidhay aragtay waagiiye

·       Libiya talyaano idil libay kaga adkaadeene

·       Ilko wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane

·       Haday iniba meel taagan tahay adhax ma feentaane

·       Itifaaq la’aan laguma helo libiyo iimaane

·       Indhahaad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega

·       Ha ordinee xaajada sidii eydinta u raaca

·       Abtirsiimo reer hebela iyo oday ku faan tuura

·       

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...