Laba Qaawani Isma Qaado 11/7/020

0
Sunday July 12, 2020 - 09:35:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Qaawani Isma Qaado 11/7/020

    By: khadar adam aw muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By: khadar adam aw muuse

Siyaasada caalamiga ahi waa  xidhiidhka caalamigaa ,waana is dhexgalka jilayaal badan (state and non-state actors) oo heer caalamiya ,siyaasada caalamigaana waxaa la odhan karaa barashada dhinacyada xidhiidhka caalamigaa ,waxaan ka mid ah iska horimaadada (conflicts) iyo muranada (controversies) heer caalamigaa iyo xalintooda, waxaa kale oo la odhan karaa xidhiidhka caalamigaa waa barashada dabeecadha dowladaha iyo sida ay u qaybiyaan heerka awoodooda hoose (domestic level) ,waxaa kale xidhiidhka caalamigaa  la odhan karaa  waa barashada siyaasad caalamka iyo dhaqaalaha,



Hadab iyadoo xidhiidhka caalamigu sidaas yahay ayaa caalamkuna isku ictiraamaa oo isku tixgaliyaa kuna kala danbeeyaa ,hadii aynu soo qaadano wararkan baryahan la hadal hayo ee xidhiidhka duplamaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan , horta waxaa iswaydiin leh jaziiradan Taiwan yaa dowlada ka aasaasay?  ,waxay ka aasaasay koox ka cadhootay  xisbigii shuuciga ahaa ee uu hogaaminyey moaw markii uu  kal jabay ,ayaa qaybtii laga guulaystay waxay u soo carareen dhinaacaa  Taiwan iyagoo doonyo wata, halkaas bayna ka aasaaseen dowlada Taiwan.


Markii ay hanqaaday dowaldii Taiwan waxay xidhiidh duplaasiyadeed la yeelatay caalamka ,laakiin Shiinaha oo daba tagnaa ilaa   barigaa , ayaa markii danbe ku guulaystay in uu xidhiidhkii caalamka ka soo oodo, in katoo madaxa ay meermeerinayso Taiwan oo si qarsoodiya u taageeraan dalal  ,hadan dal caalamka ka tirsan oo dhaafi Kara hadalka Shiinaha ma jiro, waayo , awooda dhaqaale ,meletry, iyo saamaynta uu ku leeyahay golaha aminga awgeed.


Hadab xidhiidhka Somaliland iyo Tiawan muxuu u faaidayn karaa labadooda?  Run ahaan sheekadu waxay u eegtay " laba qaawani isma qaado” waayo, dhinaca  somaaliya waxa uu  ka caawin karaa wax kasta oo Somaliland ujeedooyimkeeda siyaasadeed iyo ictiraaf raadsigeeda wax u dhimaya una diidaya inay hadafyadaas gaadho. Waxaanan u arkaa in xidhiidhkaas la sheegayaa uu guul u yahay somaliya,waayo,  dalka Shiinaha  waxay somaliya u adeegsan kartaa midnimada iyo wadajirka somaliya in shiinahu noqdo mid taageera kana soo horjeesta gooni isu taaga Somaliland waqti kasta iyo meel kasta, somaliyana arinkaas waxa uu noqondoona fursad afka uga soo gashay oo ay ku heli doonto taageero mug iyo miisaan leh.


Dhinaca Tiawan waxba ka faaiidi mayso somalialnd  ,hadii aanay jirin heshiisyo qarsoodiya oo buuraha ay ku raranayso sidii buurtii SIIMOODI ee gobolka awdal Ragii  ka shaqayn jiray mashruucaana dhamaan waxay wad ahaayeen Tiawaniyiin u adeegaya Imaaraadka waxaana lagu sheegi jiray in ay Shiine yahiin.  ,markaa xidhiidhkaasi  waxa uu dan u noqonayaa dalalka Shiinaha u diidanaa in uu  somaliya yimaado  oo xidhiidh baayacmushtri la yeesho iyo mid maalgalineed , waayo imaaraadku waxay doonayaan in saylada baayacmushtri ee somalidu ahaato Imaaraadka oo qudha. , heshiiskana waxa uu salka ku hayaa ,hashiisyadii beenta ahaa ee Imaaradku inagu dhergiyey . Lagamana fiirsan. Heshiiskan waxa uu u adeegayaa Imaaraadka oo doonaya in dekedaha somalida ka ilaaliso Shiinaha, Turkiga iyo Ruushka. In ay si wanaagsan u dhisaan maalgashadana, si aanay ula tartamin dekeda Jabalu Caali ,waayo kuwii Yaman way baabiiyeen . markaa imaaraadku heshiiskan isgaa raad ku leh, isagoo is leh shirkii DJOUTY ku burburi.


By: khadar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...