Su,aalo Ku Saabsan Qoraalkii Sumadda Xoolaha Soomalida: Ururin Xog Iyo Faallayn Ee Uu Qorray Qorra Jaamac Muuse Jaamac.

0
Sunday July 12, 2020 - 09:13:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su,aalo Ku Saabsan Qoraalkii Sumadda Xoolaha Soomalida: Ururin Xog Iyo Faallayn Ee Uu Qorray Qorra Jaamac Muuse Jaamac.

    MUSE SAED MULAH

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUSE SAED MULAH
 

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa, wax xoogaa su,aaalo ah oo ku saabsan ciiwanka xagga sare ku qotoma, kuna taariikhaysan 17 Maajo 2020.

In la baadho xoog, waxay u baahan tahay ka firsasho, isku diyaarin, u qalab qaadasho iyo run ahaanshaha xoogta aad baadhayso.

Qorra Jaamac Muuse Jaamac, waxaa uu soo bandhiggay qoraal kooban oo oo sita, ciwaan mugg weyn leh haddii qalinka loo qaatoona wax badan oo taariikhaysan soo qufaya.


Inahaas hadaan kaga imaaddo aan u soo deggo, qisdigga qoraalkayga.

Sumaddaynta xoolaha soomalidu, waa ay ku kala duwan tahay, haday :-

1) Deegaan tahay
2) Qabiil tahay
3) Qoys tahay
4) Ool tahay
5) U jeedo tahay
6) Goobta neefka laga suntayo  ( Middig mise Biddix )
7) Nooca iyo agabka loo isticmaalo sumaddaynta tahay.

Sidaa, daradeed, qorragu si farshaxannimo qoto dheer uma soo gudbin qodobadda xagge sare ku muunadaysan.

Tusaale qoraagu wuxu xusay in sumaddaynta loo isticmaali jiray, dabb, jeexid ama sarin, lakiin kuma uu suxin sumaddaynta qalabka loo adeegsan jiray. Sumaddaynta dabka ma bir baa la isticmaali jiray mise xolod dab ah? Degaankee see laga isticmaali jiray sumadaynta noocaas ah, ma Woqooyi, Koonfur mise degaanadda kale ee soomalidda?

Neefka ishinka ah ee la suntaayo, sidii la  doonoba  ha loo suntee, goobta laga suntayaa ma hal goob baa mise waa laba  gobood sida bidix ama midig? Qorraga aya inooga jawaabi doona.

Shaacinta qabiil kasta iyo sumadda u gaarka ah. Cilmiggu qabiil, qaran iyo qoys midna xirfaddooda iyo xeeladooda ma sheelo e wuu sheegaa. Waadixin Qabilka lagu magcaabo GALOOL sumaddooda guud ee ishinku waa isku talaab labbada daan ah. Sababta aan sidaa u leeyahay, waa fahamka mawduuca laga hadlaayo si akhristu u fahmo kala duwanaanshaha sumaddaha QABIILAD.

Taasina kama muuqato qoraalka Qorraaga? Sababta iyo halka loo aroorin doono, waxa iyaddana ka jawaabi doona qorraaga.

Hadii ay dhacaan khilaafyo ama ku xad gudub xoolo sumaddaysan, sidee loo xallin  jiray, yaase xukmi jiray? Su,aashana  jawaabteedda haynoo qadaadhiggo qorragu?

Sumaddaynta Xoolaha reer galbeedka, iyaddana qorragu in yar buu ka soo qanjiidhay oo qaliinka kula rooray.

Reer galbeedku xoolaha waxay u suntan jireen noocyo baddan, oo mid waliba xogg iyo xeeladd gaar ah ku xaragooynayso.

Sida daradeed, qorragu  wuxu ku soo koobay sumaddaynta xoolaha reer galbeedka in ay isticmaali jireen bir lambarro joomateri ah leh oo dab lagu caseeyay, in lagu dhalaalin jiray oggada sare ee neefka. Ka dibna la casriyeey oo Microchip walax yar oo la quusiyo haraga iyo hilibka dhexdiisa loo guuray ama la gaadhay.

Sida aan ku hayo qaar ka mid ah noocyadda Sumaddaynta xoolaha reer galbeedkab iyo gu'yadday soo mareen waxa ka mid ah :-

1) Bir lambarro leh oo lagu dhalaliyo oogadda sare ee neefka. Qorraygu wuu qeexay qodobkan.

2)Wisaaqyo caag ah oo lambarro leh,  laganna lu'lo dhegeha neefka. (Ear tags)

3) Ku xardhidda oogadda sare ee neefka, sawir gacmeedo ujeedaysan. ( Tatooing)

4) Fargallo (Faraatiyo) qoobabka loo geliyo(Hoof Rings).

Afartaa nooc oo aan ka sii xasuusto, qorraagu qodobka kowaad un buu calaliyay. Noocayadda kale ee aan xusay hay nooga jawaabo sababta uu uga tegey qorragu?

FIIRO GAAR AH.

Wisaaqyadda dhegeha iyo microchip ka waa labadda nooc ee wakhtigan xaadirka ah ay isticmaalan reer galbeedku.

Markii uu soo baxay xeerarka sheegaya dabeecaddaha iyo daryeelka xayawaanka ( Animal Behavior and Welfare) waa la nasakhay isticmaalka dabka lagu dhalaaliyo oogadda sare ee neefka iyo ku xardhidda sawir gacmeedo ujeedaysan.

AFEEF
Qoraalkan uma soo qorrin, ujeedo ama ka jeedo. Su,aalo aan is waydiiyay un baan uga gol leeyahay in qorraagu ila eeego. Waad mahadsan tahay.




MUSE SAED MULAH

BSc OF Veterinary Medicine  And Msc Candidate.

Add : HARGEISA SOMALILAND.
Email: [email protected]
Call: +252634214501
Muuse Siciid Mulaax (facebook)





AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...