Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Madaxbanaanida Somaliland

0
Sunday July 12, 2020 - 08:41:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Madaxbanaanida Somaliland

    "dhanba in iyaga lagu wareejiyo ayey ahayd"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dhanba in iyaga lagu wareejiyo ayey ahayd"

Muqdisho (HWN) Madaxweynaha Maamul goboleedka HirShabeelle ee dalka Soomaaliya , Maxamed Cabdi Waare, oo arrinta Somaliland kaga hadlay Shirka Dhuusamarreeb ayaa sheegay in Somaliland xaq u leedahay in ay go’do marka la eego dhibta loo gaystay.

 

"Koonfur iyo Woqooyi markii laysku daraayey, si niyad wanaag ah ayey woqooyi intay dowladnimadiii soo qaadeen inoo keeneen,wax dhanba in iyaga lagu wareejiyo ayey ahayd, waxba lagama tixgelin, Maxamed Ibraahin Cigaal oo raganimadiisa kula joogay aa la jogay bes,

 

Dowladdii markii ay soo burburtana, Salaamu caleykum iyadoon la dhihin, ayaa laga tashtay oo dowlad la dhistay,wax alla wixii shir la qabanayey oo dib-u-heshiisiin lahaa, hal shir oo dartood u baaqday ma jiro,horaa looga socday, nimankaasi in ay goostaan oo goosashadooda ku adkeystaan ma garbay u leeyihiin mise uma laha?..” ayuu yidhi


Loading...
Loading...