Somaliland Yaanay Noqon Dal Sawir Lala Galo oo Sakati Dawlada Taiwan Waa In aanay Ka Aqbalin Dalalka Diidan

0
Saturday July 11, 2020 - 19:33:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Yaanay Noqon Dal Sawir Lala Galo oo Sakati Dawlada Taiwan Waa In aanay Ka Aqbalin Dalalka Diidan

    ee Maalgashi Degdega ah Waa Inay Somaliland Siisaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ee Maalgashi Degdega ah Waa Inay Somaliland Siisaa

Dawllada Taiwan Waa Dal Weyn oo Dhaqaale badan haysta, Islamarkaana, Galaangal Siyaasadeed la Leh Dawllado Fara baddan oo Reer Galbeed ah Sida Dawladaha Mareykanka,Ingiriiska, Dawladaha  Yurubta Galbeed, Sidoo kale Waxa muuqata in Heshiiska Cusub ee Dawlada Somaliland la gashey, ay Diidan Yihiin Dalal badan oo Qaarkood Geeska Afrika Yihiin Qaarna, Dalalka Carabta oo ay ugu Horeeyaan Dawllada QADAR iyo Dawlada Imaaraadka, Marka ay Sidaa Tahey ujeedada Nuxurka Mawduucu Wuxuu yahey maxaa Somaliland kala Gudboon Talaabooyinka iyo Dhaqdhaqaaqa Noocaas ah ee Dawladaha Diidan Heshiiska Somaliland iyo Taiwan ku Waajaheen?.



Marka Hore, Wadada cilaaqaadka Xukuumada Somaliland ku go,aan Qaadatay ee heshiishka Cusub ee Dawlada Taiwan Waa mid Muhiimad gaar ah u leh Somaliland taas, oo looga baahan yahey in ay ku adkaysato,oo aaney u habranin Dawladahaa Carbeed ee heshiisyadoodu madhaleysk Noqdeen kana qaadato Go,aan Adag oo aan ka noqosho Laheyn,  oo dhinacyada diblamaasiyada ah, haseyeeshee, waa in aanay Fursadaasi Daayicin, Xukuumadu, oo ay Qorshayaal Maalgalin ah oo Degdeg loo agaasmay u hordhigaan heshidna kula galaan, iyagoo Wakhtiga Dhawraya Heshiiskani Wuxuu lamid Noqonayaa kuwa Caalamiga ah ee ay Dawladaa Taiwan La gasho Dalalka Waaweyn ee Dunida Caalamka, Sababtoo ah Dawlada Taiwan Waxey Maalgashi Ku Samaysay Dawlado  Waaweyn oo ay Kamid yihiin Dawlada Kuuriya,Jabaan, Mareykan,Ingiriis, Chiana  iyo Dawlado Fara badan oo Afrika iyo Aasiyaba ah.


Sikastaba ha ahaatee, Miyaanay aheyn in Xukuumada Xiligan ee uu Hogaaminayo Madaxweyne  Muuse Biixi, at Hawsha iyo Fursada Heshiiska Taiwan ay Wakhti Fiican Siiso, oo ay u Xusho Dad Aqoonyahan ah Waxgarad ah oo Diblamaasiyada iyo Luuqadaha Lagula Hadlo Dunida Caalamka iyo Dalalka Dhaqaalaha Fiican Leh ee Hawshoodu u Docoto Nidaamka aan Musuqa Lahayn oo Taiwan kamid tahay in uu U Xilsaaro dhamastirka Heshiiskan Maalagashi, kana Ilaaliyo Dilaaliintii Dhalinyarada u Badneyd.


Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0644466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...