Muxuu Dhigayaa Xeerka Lagu Saleeyey Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada Ee Reer Awdal Diidan Yihiin?
Hargeysa(HWN):-Dadweynaha gobolka Awdal ayaa si weyn u saluugsan in doorashada golaha wakiilada lagu galo xeerkii 2005 sida ku meelgaadhka ah loo isticmaalay ee lagu saleeyey saamiga ay kuraasta wakiilada u kala heleen gobolada dalku.

dadweynaha Awdal oo saluugsan saamiga uu xeerkaas ku meelgaadhka ahi ka siiyey kuraasta golaha wakiilada ayaa haatan olole ugu jira sidii doorashada soo socota wax looga badali lahaa saamiga ay hada leeyihiin iyaga oo doonaya inaan mar dambe laysticmaalin xeerkii jideeyey 13kursi ee ay ka heleen golaha wakiilada.
Hadaba akhristayaasha sharafta leh ee ku xidhan shabakada Hadhwanaagnews ayaanu u soo gudbinaynaa waxyaabaha uu jidaynayo xeerkii lagu saleeyey saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada sanadkii 2005, kaas oo u dhignaa sidan
Qodobka 12aad.
Habka Qaybinta Kuraasida baarlamaanka!
1. Iyadoo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taabagalinta doorashada awgeed, saamiga kuraasida goboladu ku yeelanyaan golaha wakiilada waxa doorashadan oo kaliya loo qaybiyey sidan.
1. Gobolka hargeisa…………………… 20kursi.
2. Gobolka togdheer………………….. 15kursi.
3. Gobolka awdal……………………… 13kursi.
4. Gobolka sanaag……………………. 12kursi.
5. Gobolka sool…………………………. 12kursi.
6. Gobolka saaxil………………………. 10kursi.
2. Marka doorashadu qabsoonto ee la isu geeyo wadarta guud ee codka ansaxay ee gobol kasta waxaa loo qaybinayaa tirada kuraasida gobolkaas loo cayimay markaa waxa la ogaanayaa qadarka cododka hal kursi lagu heli karo, intaa dabadeed waxa la isu qaybinyaa tirada codadka xisbi kasta ka helay gobolka iyo qadarka codka hal kursi lagu heli karo halkaasna waxa ka soo baxysa tirada kuraasida gobolka ee xisbi kastaa ku guulaystay.
3. Marka tirada codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu qaybiyo, hadii ay jiraan codad jajab ah oo xisbi kasta marka gaarkiisa loo eego ka yar qadarka codadka hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga ama kuraasida hadhay u kala helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada cododka jajabka.
4. Marka la fuliyo hawl galka ku tilmaan faqradaha (2 & 3) ee qodobkan,tirada kuraasida ee xisbi kasta marka gaarkiisa loo eego ka helo kuraasida gobolka u xadidan waxa musharaxiinta xisbi kasta gudihiisa u kala qaadnayaan sida ay u kala cod badan yihiin, iyadoo ku kala helaya aqlabiyada fudud (simple majority).
5. Hadii degaano dalka ka mida la soo gudboonaato duruufo culus ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto waxa soo qiimeyn go’aanna ka gaadhaya gudida qaranka ee doorashooyinka marka ay sidaa isla gartaan xukuumada iyo asxaabta qaranka.
6. Goobaha codbixinta ee doorashadu ka qabsoomi waydo tirada kuraasida loo qoondeyey goobahaas waxay xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee cododka ansaxay ee gobolka.
7. Hadiise ay doorashadu gobol dhan ka qabsoomi waydo waxa ay asxaabtu kuraasida gobolkaas u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay dalka waxaana loo raacayaa sida ay magacyadoodu liiska u kala horeyaan.


0 





