'' Turkey Vs Egypt ''.

0
Saturday July 11, 2020 - 14:52:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Turkey Vs Egypt ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Wadamadda Masar iyo Turkiggu waxay iskaga horyimaadeen dagaal fool ka fool ah laba jeer , 1831 iyo 1839 waagaas oo ninkii aasaasay wadanka casriga ah ee Masar ee la odhan jirey Maxamed Ali Basha uu ka fara maroojiyey dawladdii Cusmaaniyiinta wadanka Falastiin oo waagaas ay xukumi jirtay dawladii cismaaniyiintu .



Mar kale waxay isku dhac toosa in yar isula jirsadeen 1957 waagaas oo xuduudka Siiriya iyo Turkigga uu ciidamo u diray Jamaal cabdi naasir , xuduudkaas oo ah mid marar badan qulqulatooyin kusoo noqnoqdaan .

Maxaa la isku hayaa .


Wadanka Turkigu wuxuuu aaminsan yahay in uu yahay hormoodka wadamadda carabta xaqna u leeyahay jahaynta siyaasadda Bariga dhexe iyo gacan ku haynteedda halka Turkigu ka aaminsan yahay in uu yahay hormoodka guud ahaan wadamadda Islaamka xaqna u leeyahay gacan ku haynta guud ahaan caalamka Islaamka sidaa darteed inta badan wadamadani waa kuwo kala durugsan oo aan isla jaanqaadin .


Saaxadda Libya & cartanka labadan atoore .


Loolanka labadan atoore ku dhex maraya liibiya waxaa u saldhiga ah sadex waxyaabood .

1- Sabab dhaqaale oo la xidhiidha khayraadka Libiya .


2- Sabab siyaasadeed oo la xidhiidha gacan ku haynta awooda gobolka .


3- Sabab Istaraajiyadeed oo la xidhiidha gacan ku haynta badda dhexe ee Mideterninka oo aad ugu muhima labadan wadan .


Dhinaca kale, Masar waxay rabtaa in ay hesho marin ay mariso dhuumaha qaadda gaasta dabiiciga ah ee dalkooda , marinkaas oo ah xeebaha Libiyia ilaa kuwa Yurub , hadii fursadaa ay hesho waxay macaashaysaa malaayiin doolar hadii ay waydana waxay luminaysaa macaash badan .


Turkigu isna wuxuu doonayaa in uu gacanta ku qabto badda dhexe iskuna talaalo labadeeda daamood ee Turkiya iyo Libiya isagoo si xooga gacanta uga buuxsanaya golxo badeedka( continantal shelf) u dhaxaysa Turkigga Libya , taasoo xoojinaysa aqoonsigga dardarta cusub ee Turkiggu lasoo baxay dhawaanahan oo u muuqata soo noqoshadda dawladii waynayd ee cusmaaniyiinta .


Geesta kale , Wadanka Libiya muddo dheer ayuu Turkiggu gacanta ku hayay bulshadda ku nool wadankaasna ugu yaraan afar meelood oo meel ayaa asalkoodu kasoo jeedaa Turkiigaa waayadaas degey xeebaha liibaya , waanu meel uu ku xisaabtamo ahmiyadeedda .


Si kastaba ha ahaatee , labaddan atoore oo Libiya ugu dagaalamaya danahooda aynu soo sheegnay ayaa lagga yaaba in ay si toosa ugu diriraan ciida libiya hadii ay fashilanto waanwaanta lagga dhex wadaa .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...