Qiimeynta guud guda-galkii SNM ee Sadexda aag ee Cadaadley, Hargeysa iyo Burco 1988 Qeyta 3aad…Qalinkii Maxamuud Biixi

0
Saturday July 11, 2020 - 14:19:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta guud guda-galkii SNM ee Sadexda aag ee Cadaadley, Hargeysa iyo Burco 1988 Qeyta 3aad…Qalinkii Maxamuud Biixi

    Sideey 3dii u hawl-galiyeen qorshihii dagaal ee is-daba yaaley ee Plan A, B, iyo C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sideey 3dii u hawl-galiyeen qorshihii dagaal ee is-daba yaaley ee Plan A, B, iyo C




Durtaba markii hogaankii siyaasiga iyo kii milatarigu shir jilbaha is-dhigeen, Dhooba-Guduud, waxa isa soo ifbaxdey in aanu Axmed Silaanyo jecleysan in dagaalka laqaado, waxaanu quud-dareynayay in la fuliyo awaamiirtii Mingiste, isagoo inta badan ka eegaya in khatar baddani ka iman karto. Isagoon aanu waxbaba kala soconin diyaar-garowga military ee jabahadda uu gudoonshaha u yahay, iyo isagoo cabsi ka qaba aayihiisa siyaasadeed hadii dagaal dhaco, walibana ay u dheertey, in sidii saaxiibkiisii C.Laahi Yuusuf xabsiga loo taxaabo. Waxaanu taliyihii guud ee ciidanka SNM Muj. Axmed Mire uu Siilaanyo hor dhigey qorshe dhameystirin oo laba sano laga soo shaqeynayay, tijaabooyin dagaalna la galiyey siduu u fuli lahaa.

 

Hayeeshee, Siilaanyo kuma uu qancin, isagoo qarsadey qorshihiisii uu kasoo qaadey Mingiste, waxaanu isla fadhigiiba ku casiley, taliyihii guud ee ciidanka, Muj. Mire, arinkaas waxa loo fasirtey sida uu Silaanyo uga biya-diidsanyahey in dagaal la galo amintaas.

 

Hogaankii cusbaa ee Silaanyo goobtaas ku magacaabeyna General Jaamac Cali Cilmi, isna waxa uu taageero buuxda siiyey, in la dhaqan galiyo qorshihii uu Mire, soo ban-dhigey. Tanina waxay ku noqotey Siilaanyo afkala qaad uu kasoo waaqsanwaayey.(Taariikhdii Somalida BBC & Raxan Mujaahidiin ah)

 

 

 

 

 

Waxaanu Silaanyo, goaansadey in sida ugu dhaqsaha badan leh uu uga baxo Ethiopia, halkaas oo dhabarka sii taabtey qeyb siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan-ba isugu jirtey oo saameyn culus ku laheyd gudaha Jabhada. Isagoo usii guntey in dagaalka baajiyaan ama dib u dhigaan, iyana badalkooda ay heli doonaan gabood dibadeed oo iyaga iyo qoysaskoodaba lageen doono.

 

Tani waxay sii liciifineysay fursadaha markaa taagnaa ee SNM-tu meeqaam siyaasi ah oo adag ku istaagi kari laheyd, markaas waxa meesha ka baxay qorshihii koowaad(Plan A) ee gulufka SNM, oo ahaa dagaal lagu qabsado Berbera, labada magaalo ee Hargeysa iyo Burcana lagu dagaalamo, kaas oo ku asteysnaa 1/5/1988.(Taxanihii Taariikhda Somalida BBC, Somali)

 

Hadana waxa isna saambuuse laga adimey noqdey qorshii labaad(Plan B) ee ahaa in sadexdii aag mar lawada galo, aaga Cadaadley in uu Berbera usii gudbo isna waxa uu ku asteysnaa 15/05/1988.

 

Waxa sii xigtey in ciidankii Sayid Cali ee tiknikada gacanta ku hayey, suaal la galiyey jiritaankiisa, isagoo ragii Siilaanyo lasii faqey ku tiraabeen, tiknikada cidbaa iska yeelatey oo sabab dagaal lagu galaaba maba suurtoobi karto. Halkaas oo hubkii cuslaa ee ciidankii Sayid-Cali Bari iyo Galbeed loo qeybiyey, ciidankaasna noqdey ciidan lug ah oo xataa laheyn gaadiid qaada.(Muxsin Aw-Cali Taliye Qeybeyd ciidankii Sayid Cali).


 

 

Waxa hadhey kaliya qorshihii ugu dambeeyey (Plan C) oo noqdey in Hargeysa iyo Burco isku maalin dhaqaaqaan oo labadaas magaalo laqabsado. 21/05/1988. Kanina waxa uu noqdey mid isna suurtoobin, waxaana sii xoogeystey kala duwanaanshaha fikirka dagaalka ee Jabhada.(Taxanihii Taariikhda BBCda).

 

Halkaas marka ay mareyso waxa aagii Burco dhaqaaqey iyagoo is tusey wax intaas ka dambeeya ay tahay mid fashil ah oo qorshihii Migiste ee Siyaad Barre wateen uu si buuxda u hirgalayo.

 

Aagii Burco waxa uu dhaqan galiyey qorshihii kowaad (Plan C) oo ahaa mid dhameystirnaa oo mudo laba sano ah laga shaqeynayay. Kaas oo ahaa mid lahaa 4 waji:

 

1)   In Burco gacanta lagu wada dhigo, dadkana la badbaadiyo, qasaarahana intii la yareyn karana la yareeyo.

 

2)   In dariiqa Bariga ee furan taas oo ay soo mari-doonaan gurmadka ciidanka Xukuumaddu iyo maleeshiyaadka ku abtirsidaa, difaac laga galo ilaa 20 km Bariga Burco(Beer) , manuu hirgalin, sababo ay ka mid ahaayeen in gurmad reer miyi ah la waayey, iyo baaxad ciidankii Siyaad Bare ku baneysteen.

 

3)   In ciidamadii Faqashta ee difaaca kaga jirey jiidaha xuduudda koonfur Burco, loo diro ciidan uu hogaaminayey Korneyl: Axmed Macalin Haaruun, kuwaas soo salabeeyey(Burburiyeen) fadhiisimadii Faqashta marka laga reebo Oodweyn taas oo ay keentey in uu taliyihii ciidanku Muj: Ahmed Macalin Haaruun uu shahiidey, intaanu Oodweyne soo gaadhin.

 

4)   In la diyaariyo ciidan fan-saar ah oo noqda qaar nasiya mujaahidiintii Burco soo gashey, inta ay shicibku dagaalka ka baranayaan Lana qabsanayaan. Taasina wey dhacdey oo Mujaahid C.Xakiim Sumuni ayaa mudo sadex todobaad ah ku guuleystey in uu keeno ilaa 3 kun ooGaas-Dhagoole(ciidan hubeysan oo Geel-jirayaal ah).

 

Lasoco Qeyta 4aad

 

Maxamuud Biixi

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...