Wali Ma Isweydiisay Sababta Keentay In Aduunku Indhaha Ku Hayo Africa Iyo Gobolka Geeska Africa ?
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Waa su'aal qofkasta oo la socda xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka
Geeska Africa iyo Guud ahaan siyaasada aduunkuba isweydiinayo ?
Qaarada Africa guud ahaan waa qaarad ka ka kooban shan gobol oo kala
ah Afrikada Bari , Afrikada waqooyi Afrikada Galbeed , Afrikada
koonfureed iyo Afrikada dhexe , shanta gobol ee Afrika dhamaantood waa
qaar leh muhiimado waaweyn oo qaarada Afrika iyo aduunkuba aanu ka
maarmin.
Qaarada Africa waa qaarad guud ahaan dihin oo khayraadkeedu wali aan
la fur-furin oo uu duuban yahay amaba u aasan yahay , siyaasada aduunka
ka socotaa guud ahaan laba waxa ay ka kooban tahay oo lagu tartamayaa
sadex shay oo kala ah 1- Dhaqaale 2- Awood 3- Gudbin aragti iyo mabaadii
oo uu dalwaliba xulafo ku raadinayo.
Sanadahaa ugu dambeeyey waxaa dhacay in qaarada Africa uu dalka
shiinuhu shir u qabtay maadaama oo uu yahay quwadaha maanta aduunka isku
haya ee ku tartamaya xaga dhaqaalaha iyo awoodaba , sidaasi oo kale
dalka ruushka ayaa isna la shiray guud ahaan Africa oo aad u danaynaya
in soo galaangalo tartanka loogu soo jiro qaarada Africa.
Waxa aan la yareysan karin dalka Turkiga oo isna ah quwad imika
iskala bixinaysa oo guud ahaan Africa ku soo bilaabay galaangal iyo
xidhiidh wadamo badan oo galbeedka , Bariga iyo Waqooyiga qaarada Africa
ah xidhiidho la saameeyey dhinacyo badan leh .
Sadexdan dawladood ee China , Russia iyo Turkey waa qaar hadda
saameyntooda laga dareemayo guud ahaan aduunka Africa na waxa ay tahay
meelaha lagu tartamayo ee la rabo in midwaliba uu suuq siyaasadeed iyo
mid dhaqaaleba ka hello .
Waxa iyaduna cusub oo aduunka aad loo qaadaa dhigayaa xidhiidhka dhex
maray Jamhuuriyada Somaliland oo aan aduunka aqoonsi caalamiya ka
haysan oo ay hore isugu dawlad ahaan jireen Jamhuuriyada federalka
Somalia iyo Taiwan oo iyaduna dalal dhawr ahi aqoonsan yihiin laakiin uu
dalweynaha shiinuhu aanu ogoleyn in ay madax banaanaato .
Dhinaca kale waxa Africa hore u soo maray oo ilaa maanta saameyn
siyaasadeed nololeed , cilmiyeedba ku leh dawladaha reer Yurub oo inta
badan aanu marnaba ka qoob qaadin ilaa 1884 kii markii qaarada Africa ay
Berlin ku qaybsadeen in ay guneystaan , waxa isaguna jira dawlada
maraykanka oo ah quwada aduunka ee hadda oo aanay siyaasad ahaan kala
fogeyn reer yurub oo leh xulfi siyaasadeed oo Bariga dhexe iyo aduunka
guud ahaan wadamo badan ku leh.
Qaarada Africa waa qaarada sidaasi loo danaynayo ee ahmiyada intaa
leeg ku leh aduunka oo maanta xiliga la joogo loo wada baahan yahay, waa
xiligii ay Africa iyaduna ku biiri lahayd quwadaha aduunka hadii ay wax
badan ka xorowdo wax badana ku midoobi karto.
Hadii aynu u soo noqono Gobolka Geeska Africa waxa ahmiyada gaar ah
loo siinayaa dhawr wax oo ay muhiimada u yeelatay oo kala ah;
1- Gobolka Geeska Africa waxa uu ku yaalaa goob istraateji ah oo
aduunka oo dhami u baahan yahay, waxaana ka mid marinbiyoodka Badda cas
iyo badweynta Hindiya oo gobolku wejahad ku leeyahay gaar ahaan dalalka
Somaliland iyo Somalia.
2- Waa Gobol leh kheyraadka dabiiciga ah ee aduunka ka sii gabaabsiga
noqonaya ee kala ah , Saliida caydhiin , gaasta dabiiciga ah ,
dhuxul-dhagaxda , macdanaha kala duwan ee loogu baahida badan yahay, iyo
waliba dhul ku haboon wax beerashada , bad dihin oo khayraad ka buuxo
iwm.
3- Waa Gobol u ah albaab Africa laga gallo oo aad loo wada danaynayo
in dalwaliba badiisa iyo barigiisa yimaado oo uu ka sameysato xarun .
DURUUFAHA KU XEERAAN GOBOLKA GEESKA AFRICA
Gobolka Geeska Africa waxa ku xeeran duruufo badan oo adag oo aad ula
hadhay oo u suurogalin waayey in uu noqdo gobol horumarsan marka loo
eego gobolada kale ee qaarada Africa oo uu aad uga dambeeyo kuwaasi oo
ay ka mid yihiin;
1- Colaado iyo dagaalo guun ah oo aanu gobolkani madaxaba kor uga
qaadin ilaa inta taariikhda la garanayoba kuwaasi oo u dhaxeeyey dadka
Gobolkan wada degen iyo dawladihii iyo boqortooyooyinkii ka talinayey
wadamada Ethiopia, Somalia, Erateria iyo intii aanay dalalkani
magacyadan lahaynba kuwaasi oo ilaa maanta aanay riiqdoodii hadhin.
2- Gobolka Geeska Africa oo xarun dagaal u noqday aduunka ka dib
markii uu gabaad u noqday argagixisada caalamiga ah iyo wadamada la
dagaalama oo isla soo gallay Gobolka Geeska Africa isla markaana
dagaalkoogaasi gobolkii ka dhigey garoon dagaal ( battle ground ) taasi
oo saameyn nololeed , dhaqaale iyo dib u dhac ku keentay bulshada ku
nool gobolkani.
3- Siyaasada Bariga dhexe iyo wadamada khaleejka oo saameyn xoogan ku
yeelatay arimaha siyaasadeed iyo hogaamineed gobolkani iyo waliba
wadamada Turkey iyo dawlado badan oo kale oo ku cusub oo iyaguna raba
in ay gobolkani gacanta ku dhigaan .
4- Badda Somalia oo ay ka dilaacday budhcad badeed ka dib markii ay
burburtay Jamhuuriyada Somalia isla markaana ay u kala jabtay Somaliland
iyo Somalia oo midina nidaam dawladnimo dhisatay midna intaasiba
aduunku isku dayayey in uu wax u dhiso oo hadda aad moodo in ay cagaha
dhulka la soo helayso.
SIDEE AY AFRICA IYO GEESKU UGA FAAIIDEYSAN KARAAN ADUUNKA KU SOO WEJAHAN ?
1- Africa waa ay ka faaiideysan kartaa dhamaan wadamadaa danaynaya ee
qaarada u soo ooman , hadii midowga Africa ka soo saaro siyaasad guud
oo aan qaaradana dib loogu qabsan dalwalibana uga faaiideysto cidii
horumar wadda.
2- Africa waxa ay tahay suuqa ugu weyn ee aduunku wax keeno , taasi
waxa ay u baahan tahay gorgortan iyo in Africa waxa ay iibsanayso cida
ka iibinaysa ay kula shuruutanto mashaariic maalgashi oo siyaasad ka
madax banaan oo dadka Africa oo aduunka ka dambeeyaa ka faaiideystaan.
3- Africa in ay abuurto walaalnimadii iyo wadaniyadii isjacaylka
Africa ee xiligii gobanimo doonka jirtay , oo wax badan la fududeeyo
isla markaana go'aanada midowga Africa iyo hawshooda la dardar galiyo
iyada oo lagu soo bislaynayo urur goboleedyada qaarada.
4- Africa waxa ay u baahan tahay hogaamiyeyaal hami fog iyo himilo
sare leh oo ay ku dheer tahay in ay qaaradani noqoto mid aduunka
hogaamisa kana baxda dib u dhaca , dagaalada , faqriga , gaajada iyo
horumar la'aanta oo ka midho dhaliya fursadaha .
Waxa aduunka la isla yaqaanaa in marba meel aduunku ku ururo oo lagu
tartamo imika waxa la saadaalinayaa qarnigan socda in Africa aduunka oo
dhami dabaynayo meelaha ugu mudan ee la wada rabo waxa ka mid ah Gobolka
Geeska Africa iyo Marin biyoodka aduunka u muhiimka ah ee Badda Cas oo
labadaasiba ay Somaliland tahay dalka ugu haboon albaabka u ah Gobolka
Geeska Africa, Isla markaana Badda cas ay tahay dalka ugu dheer ee
xuduud la leh 900 km ku dhow.
Fursado badan ayaa ugu jira dalka Jamhuuriyada Somaliland oo aan
isagu aqoonsi caalamiya haysan laakiin xidhiidho wanaagsan la leh
dawlado badan oo aduunka ah , kuwaasi oo u sahli kara in uu sii sameeyo
xidhiidhi diblomaasiyadeed iyo qaar ganacsi iyo horumarineed oo ay
Somaliland dadkeeda ugu abuurto nolol wanaagsan iyo horumar la taaban
karo hadii ay ka faaiideysato tartanadaa !
Mohamed Abdi Jama
Hogaamiyaha Ururka
Dadweynaha Somaliland
+252634429221
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...