Maxaa Keenay In Markii 2aad Uu Dib U Dhaco Shirkii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya?

0
Saturday July 11, 2020 - 14:01:40 in News by
  • Visits: 2525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Keenay In Markii 2aad Uu Dib U Dhaco Shirkii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya?

    Maxaa Keenay In Markii 2aad Uu Dib U Dhaco Shirkii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Keenay In Markii 2aad Uu Dib U Dhaco Shirkii Jabuuti Uga Furmi Lahaa Guddiyada Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya?

Hargeysa(HWN):-Shirkii ay guddiyada farsamo ee somaliland iyo soomaaliya uga furmi lahaa wadanka jabuuti maalinta Axada ah ee bari ayaa markii labaad dib u dhacay.

Maxaa kamid ah qodobada ay ku heshiiyeen DF iyo Somaliland?

Sida ay sheegayaan warar rasmi ah oo laga helay masuuliyiin ka tirsan dawlada soomaaliya oo ka mid ah guddida farsamo ee dawlada Muqdisho ku matalaysa wada hadalka somaliland, dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa codsatay in la siiyo laba todobaad oo dheeraad ah iyada oo dawlada Jabuutina ay aqbashay codsigaasi.

Dhinaca kale guddidii farsamo ee somaliland matalaysay oo qorshaynayey in maanta oo sabti ah ay ka dhoofaan magaalada Hargeysa ayey dawlada Jabuuti ku soo wargelisay inaanay soo bixin isla markaana shirkii uu dib u dhacay.

Guddida farsamo ee Somaliland oo maalinta beri ah Hargeysa ka bixi lahaa iyagoo diyaar ah ayaa Dawladda Jabuuti ku wargelisay in shirkaasi dib u dhacay.

Shirka ay wada yeelan lahaayeen guddiyada farsamo ee somaliland iyo soomaaliya oo sii anba qaadi lahaa wada hadalkii Jabuuti uga bilaabmay dawladaha Muqdisho Iyo Hargeysa ayey noqonaysaa markii labaad ee uu dib u dhaco iyada oo aanay jirin sababta keentay baaqashadiisa oo ay labada dhinac soo gudbiyeen.

Loading...
Loading...