Maxay Tahay Waayaha Kala Fogeyey Labadii Ugu Hor Qaatey Xoriyadasomaliyeed?

0
Saturday July 11, 2020 - 10:03:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Waayaha Kala Fogeyey Labadii Ugu Hor Qaatey Xoriyadasomaliyeed?

    M J Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M J Farah

Somaliland waxay xorowdey 26 June 1960 kii 1 July ayey somaliyina Xorowedey isla 1 July 1960 kii ayey labadii dal ee ay kala haysteen boqortooyada Engiriiska iyo Gumeystihiii Talyanigu isku biireyn noqdeena laba dal oo mid ah.

Muran kama joogo in ay Somaliya iyo Somaliland ahaayeen laba dal oo kala duwan mudo kala duwana xoriyadooda qaatey taas waxaa markhaati kugu filan:



  1. 26 Jun 2020 Somaliland waxaa looga dabaaldegey Sanadguradii 60 maad ee madaxbanaanidii Somaliland
  2. 26 Jun 2020 Somaliya( Muqdisho) waxaa laga xusey 60 guradii ka soo waregtey qaadashadii xoriyada ee Somaliland,taasi waxay cadeynaysaa in Somaliyi aaney dafirsaneyn in Somaliland somaliya oo aan xor ahayn ay xor ahayd oo wadan dad somaliyeed oo dawladnimo qaata ay ugu horeyseysey Somaliland.
  3. Somaliya Waxay Xorowdey 1 July 1960 balse Somaliland may xorobin taakhiidaas balse waxaa jirtey in mudo ka dib ay Somaliya iyo Somaliland midowbeen taas oo taariikhda qoran lagu muujiyey 1961 faafinta rasmiga ah lagu soo saarey ee dawladii Somaliya in kasta oo lagu xusay in 1 July 1960 laga soo bilaabayo midowga arintaas oo dhica sharciga khalad ku ah.

    Caalamka ugu mey horeyaan Somaliland iyo Somaliya laba dal oo midowbey ugumana dambeyneyso,oo waxaa jira dalal badan oo midowbay oo ilaa hada mid ah iyo kuwo kukala baxay midowgii oo kala noqdey,iyo kuwo la rajeenayo mustaqbalka .

    Balse arinta xiisaha lahi waxay tahay side laba dal oo ku midoobey doonistooda markii uu mid ka mid ahi ka baxay midowgii sababta bulshada caalamku ugu qasbayso in aanu ka bixin midowgii sidii oo ay tahay dal kala go’aya miyaaney caalamku iska idha tireynin xaqiiqada iyo farqiga u dhaxeeya laba dal oo isku tagey iyo dal kala qaysamaya!!!.

     

    Somaliland xorimadeeda waxay la soo noqotey 18 May 1991 balse maxaa sababey u ah in Somaliland horiyadeeda la soo noqoto?

    Waxaynu odhan karnaa waxa sababey arimahan:
  • Burburkii dawladii Somaliya
  • Tacadiyadii iyo Xasuuqii loogeystey dadka reer Somaliland
  • Siyaasiinta Konfurta Somaliya oo aan ahmiyad ba la lahayn wada jirka iyo Midnimada labadii dal
  • Daganaasha la’aanta iyo fashilaada dawladnimo ee somaliya

Arinta kale waa:

Maxaa sii Fogeeyey xaalada siyaasadeed ee Somaliya iyo Somaliland?

Waxaa sii kala fogeeyey:
  1. Siyaasiinta Somaliya oo aan ahmiyadba la lahayn Somaliland una fikiraya fikir ah in Somaliland tahay magaalo ka mida magaalooyinka somaliya oo aan wax tixgelina laga siin arimaha somaliya iyo masiirkooda
  2. Somaliland oo ogaatey in aan midow dambe dan u ahayn labada dhinacba.
  3. Somaliya oo dhisatey nidaam federal ah oo aaney Somaliland talo,tusaale iyo ka qaybgalba ku lahayn,taas oo sharciyan Somaliland wax sameyn ah ku lahayn Karin arin aaney ka qaybgelin qaybna ka ahayn.
  4. Dawladaha kala dambeyey ee Somaliyada federalka ah oo aan daacad ka ahayn xalinta arimaha Somaliland iyo somaliya balse aminsan uun in ay Somaliland cadaadis iyo godoomin dhinaca walba ah lagu soo xerinkaro iyaga oo u haysta in ay taasi ugu surtogeleyso aqoonsigii caalamka ayaanu haysanaa balse aad moodo in aaney xitaa fahanba ka haysan qaabka uu u shaqeeyo xidhiidhka caalamiga iyo doorka ahmiyada Somaliland ku lee dahay caalamka.
  5. Somaliland oo ogaatey in aaney Somaliya xibaato uun ku hayso dadka reer Somaliland wax qabasashadoodana ka xun yihiin oo ay jecel yihiin uun in ay Somaliland ahaato mid aan horusocon oo ka liidata had iyo jeer.
  6. Dadkii geystey xasuuqii baahsanaa ee dadka reer Somaliland oo siyaasiinta Somaliya qaarkood u arkaan geesiyayaal qaran diyaarna u ahayn in lala xisaabtamo.

     

     

    Arimahani iyo kuwo kale oo la mid ahi waa kuwo qayb ka ah in Somaliland iyadu ku foofto danaheeda taas oo ka badbaadisay dhibaatooyinka dawlad la’aanta eek a jirta somaliya.

     

    Mahadsanidin dhamaantiin

M J Farah

source: hogaanka.org

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...