"Somalia Inta Wada Socota Waxa Ka Badan Inta Kala Socota" Siyaasi Cali Guray
Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa ka hadlay sida ay suura gal utahay wakhitigan aynu ku jirno in dawlada Somaliya ay Somaliland lasii waddi karto wada hadaladii jabuuti ku dhex marayay labada dhinac maadaama Somaliya ay ku mashquulsan tahay ayuu yidhi arimaha doorasho. Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-
Wadahadalka Somaliland iyo Somalia xiligan mooyi si uu noqon ilaa inta Somalia xaalkeedu doorasho iyo doorasho la’aan mid u dhacayo. Hadana Somalia maaha dawlad Madaxwayne ee waa dawlad Baarlaman.
Baarlamanka ayaa Madaxwaynaha doorta oo isagu Raiisul Wasaaraha soo
magacaaba. Golaha Wasiirada ma magaacbo madaxwaynuhu ee Raisul Wasaaraha ayaa
soo magacaaba marka uu Madaxwaynaha kala tashado ka dib Baarlamanka ayaa
ansixinta iska leh.
Waxa iswaydiin leh Madaxwayne iyo Raiisul Wasaare aan wada socon ee xataa
doorashada dhawr bilood ka hadhsan tahay aan ka midaysnayn sidii ay u qabsoomi
lahayd sida ay u sii wada shaqayn karaan ee doorasho xukuumadoodu u qaban
karto.
Xilgan maaha labadooda oo keliya ee Somalia inta wada socota waxa ka
badan inta kala socota marka ay doorasho tahayna inta ay isla ogol yihiin waxa
ka badan inta ay isku diidan yihiin.
Ta ka sii daran dhaqan ahaa reer koonfurku maaha sida reer waqooyiga oo
isu tanaasulku kuma jiro qaamuuskooda oo hadii la isqabto dhinacna in uu wax ka
tago ma ogola markaa xaalku hadii aan bulshada caalamku u talin ma tashan
karaan. Markaa xaalkoodu waa in la is-muquuniyo ama faro ha la isku muquuniyo,
ama lacag , hadii kale waa ninkii rooni reerka ha u hadho.
Marka xaalkoodu sidaa yahay wadahadalka Somaliland uma diyaarsana ilaa inta ay iyagu soo kala dhamaanayaan ee geedi iyo negaansho mid horta ha u dhacaan.
Siyaasi Cali Guray


0 





