Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Fashiliyey Qorshe Soomaaliya La Timid Shirkii Jabuuti Kana Hadlay Midnimo Dhexmarta Hargeysa Iyo Muqdisho
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa ka hadlay qorsheyaal qarsoonaa oo ay dawlada soomaaliya la timid shirkii wada hadalka ee jabuuti ka qabsoomay.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde o waramayey warbaahinta ayaa sheegay in midnimo dhexmarta somaliland iyo soomaaliya aanay xalin Karin dhibaatada qolo kasta gaarkooda u haysata.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlaya qorshe uu raysal wasaare Khayre soo dhigay miiskii wada hadalka somaliland iyo soomaaliya ayaa waxa uu yidhi "Maalintii dhawayd ee layskugu tagay jabuuti raysal wasaare Khayre waxa uu la shir yimid somaliland waxaanu siinaynaa madaxweynaha iyo caasimada waana iyada oo aan la wada hadalba oo aan waxba laysla meel dhigin markaa fikirka ay inaga haystaanba waa inaynu nahay dad la soo xaraysan karo oo ay isleeyihiin sidii ay barigii horeba iskaga yimaadeen maanta la soo xaraysan karo.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa intaas raaciyey "Soomaaliya dhibaatada haysata iyo mushkiladaha u yaala midnimadu ma xalinayso balse dhibaatooyin kale ayey abuuraysaa.”
Mushkiladaha somaliland haysta ayuu sheegay inaanay xal u noqon Karin midnimo lala galo muqdisho waxaanu yidhi "Somaliland lafteeda doorashadan aynu qabsan kari waynay, kala qaybsanaanteena, maamulkeenii oo fadhiid noqday, wax la kala tirsanayo inoo xalin mayso koonfur ayeynu ku biiraynaa oo waxan ayeynu ilaabaynaa balse way sii xoogaysanayaan.”
Sidoo kale xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay inaanay midnimadu dhinacna faa,iido u lahayn "markaa wax dana oo somaliland iyo soomaaliya ugu jirto midnimo ma jirto, aniguna ma qabo in midnimo loo baahan yahay balse wax wada qabsi walaalnimo ah ayaa loo baahan yahay.”
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews.com/Kampala
Email:- [email protected]