Muuse Biixi Oo Si Hoose U Magacaabay Komishanka Tamarta Iyo Reerkiisa Oo Uu U Gacan Galiyey

0
Friday July 10, 2020 - 15:02:49 in News by
  • Visits: 3685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Si Hoose U Magacaabay Komishanka Tamarta Iyo Reerkiisa Oo Uu U Gacan Galiyey

    Muuse Biixi Oo Si Hoose U Magacaabay Komishanka Tamarta Iyo Reerkiisa Oo Uu U Gacan Galiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Si Hoose U Magacaabay Komishanka Tamarta Iyo Reerkiisa Oo Uu U Gacan Galiyey


Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Komishanka Tamarta.




Warkan oo aanay weli baahin Madaxtooyadu, balse Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Komishankani uu ka kooban yahay 7 xubnood, kuwaasi la sheegay inay Maamuli doonaan oo ay Masuul ka noqon doonaan hawlaha la xidhiidha Tamarta iyo ka faa’idaysigeeda.


Komiishankan Qaran ee Tamarta Somaliland ayaa waxa la sheegay inay kalayihiin:-


1. Axmed Faarax Cadare (Guddoomiye)

2. Cabdirisaaq Maxamed Cumar – (Guddoomiye ku-xigeen)
3. Liibaan Maxamuud Axmed (Xubin)
4. Khadar Cabdi Khayre – Xubin
5. Ubax Maxamed Maxamuud – Xubin
6. Cabdirisaaq Maxamud Cali – Xubin
7. Yuusuf Jaamac Cali – Xubin iyo Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) oo looga dhigay Agaasimaha guud ee komishankan.


Tallaabada uu Madaxweynuhu ku Magacaabay Komiishankan ayaa u muuqata mid uu Hawlihii Tamarta ka Madax-bannaaneeyay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo hore Qaranka ugu Qaabilsanayd hawlaha la xidhiidha Tamarta.


Sanadihii u dambeeyay waxa Somaliland ka taagnaa khilaaf la xidhidha Quwadda Tamarta ama Laydhka, ka dib markii inta badan Shirkadaha bixiya Laydhku ku midoobeen hal shirkad, halka Shirkado koobana diideen inay ku biiraan.


Shirkadaha diiday Inay la midoobaan Shirkadda ay Shirkadaha badankoodu ku midoobeen, ayaa dhowr jeer Warbaahinta ka sheegay in Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu dhexdhexaad ka ahayn khilaafkooda, waxayna dacwado arrimahaa la xidhiidha u gudbiyeen Baarlamaanka, kaasi oo isaguna bilaabay baadhitaan.


Loading...
Loading...