Qiimeynta guud guda-galkii SNM ee Sadexda aag ee Cadaadley, Hargeysa iyo Burco 1988 Qeybta 2aad.

0
Friday July 10, 2020 - 10:52:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta guud guda-galkii SNM ee Sadexda aag ee Cadaadley, Hargeysa iyo Burco 1988 Qeybta 2aad.

    Qalinkii: Maxamuud Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Maxamuud Biixi




@ Sidey aheyd xaaladihii siyaasadeed ee markaas taagna gudo iyo dibad-ba ee ay ku



sugneyd SNM?

 

 

Dhanka kale marka aynu ka eegno, Gudoomiye Silaanyo, isagoo ahaa nin kusoo ababey(ka soo shaqeeyey) goobo maamul oo go’aan qaadasho leh, waxa uu istusey in aaney aheyn goobtani goob aan aheyn mid sida uu rabo u darawalin karin, oo Jabhadu tahay meel xaalad-abuur badani oo aan lasaadaalin karin si joogto ah, ay uga socdaan.

 

Sidoo kalena ay jirto kala fogaanshiiyo iyo waliba kala shaki, soo jireen ah oo dhexyaal, aqoonyahanka hawl wadeenada heer qaran ee wax kusoo bartey dalalka galbeedka, iyo kuwa aqoonta kasoo sharaabey dhankii bariga ee Midawga Soviet, khaasatan dadka militariga ah. Isagoo waa Siilaanyo eh, dibaaqiisa kasii qiiqeyso, taliskii uu kasoo goostey ee Siyaad Barre ee ciidanku hogaaminayeen.

 

 

 

Waxa hodanti ah, in uu Silaanyo, ka faa’ideystey, kala qeybsanaanta fikir ee kala dhex taaley saraakiisha ciidanka SNM, waliba uu Silaanyo ugu sii darey, oo uu u durkiyey mid qabiil, si ay u cakiranto, muranka saraakiisha kala dhex-yaal. Si uu ugu faa’ideysto wada hadalo degdeg ah oo uu la furto taliskii Siyaad Barre.

 

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegey in uu Silaanyo, furtey gacan(Channel) wada hadal oo qorsoon, ahaana Istuanuul Turky, oo aamin ah, kaas oo uu nidaamiyey, wiilkii ay Siilaanyo guriga ku soo wada koreen, qaraabo qansax-na ay ahaayeen, waa Cusmaan Cabdillahi Zaylici, oo ahaa Safiirka Somalia ee dalka Turkey.( Boobe, Maqaaladii, magacaabideyda iyo maagisteyda laba isku lamaane ah)

 

Waxa tibaaxdaas sii xoojinaya, mar aan ka dhageystey diblimaasi hore oo reer Somaliland ah, kana mid ahaa, jaaliyadii ugu xooga badneyd ee SNM lana aqoonsanaa 1980’s kii ee dalka Sweden, xubintaasi, waxay ii sheegtey, in gudagalkii 1988 Burco iyo Hargeysa.

 

Waxa nala soo xidhiidhey buu yidhi TV-ga Sweden iyo wasaarada arimahada dibadda ee Sweden, si aanu war uga bixinayo, xaaladaha dagaal iyo barakaca ka socda Waqooyiga(Somaliland), fursadaas qaaliga ah ee caalamka indhihiisa soo jiidan doontana, waxaanu u dooraney, qofkii darajadda siyaasadeed noogu sareeyey, waa safiirikii hore ee Somalia u fadhiyey Turkey Ambassidor Cusmaan C. Laahi Zaylici, hadana ah ninka ugu dhow Gudoomiyaha SNM Ahmed Siilaanyo, oo qaraabo hosaad ahaayeen” isagoo sii watana waxa uu ku darey:

 

Waxa uurku-taalo, nagu noqotey diidmadda qayaxaneyd ee nagaga timid, Cusmaan C. Laahi Zaylici ee aan foodsaarada laheyn, taasi oo nagu noqotey in aanu raadino cid cusub oo dhawaan kasoo goosatey xukuumada Siyaad Barre, oo raadkeedu qoyanyahay. Waxaanu helney, Xog-yahii koowaad ee Safaarada Somalia ee Sweden, Daljire Cawaale, oo warbaahintii si wacan ugu fasirey gumaadka iyo dhiilada isasoo


 

taraya ee dadkii waqooyi ku socota, waxaanu kuna ladhay, anigu nidaam dadkiisa laynaya u adeegi maayo

 

 

 

Waxa xusud mudan, in Silaanyo dagaalkii ka faa’ideystey siina watey wadahadalkii furnaa, ee uu lalahaa Siyaad Barre, iyadoo hadana loo wareejiyey safaarada Somalia ee Paris France, halkaas oo uu safiir ka ahaa, nin Siyaad Barre xigto ahaayeen, hadana ahaa, safiir karti iyo firfircooniba leh, hadana ah meel ka durugsan indhaha Somalida oo aamin ah. Xidhiidhkaasi waxa uu gaadhey ilaa heer uu Silaanyo siyaasiyiinta safka labaad ee SNM qaarkood uu u kaxeysan jirey wada-hadaladda si uu gudaha uga abuuro jawi fikirkaas lagu xambaari karo, magacyada ragaas oo uu qoraaga C. Laahi Dool oo ahaa madixii waaxdii anshaxa(protocol), wasaaradda arimaha dibadda ee Somalia, uu ka gaabsadey in uu magacaabo dadkii SNM-ta ka socdey, kuna tilmaamey xog xasaasi ah(Top Secret)(xigasho, Cabdilaahi Dool, Siyaasadii Arimaha Dibadda ee xukuumadii Siyaaad Barre)

 

Sidaas darteed, umuurahan is-diidan hadana is barbar socdaa, waxa saraakiishii uu horkacayey taliyihii guud ee ciidanka SNM 1986-1988 Axmed Mire Maxamed, ku abuurtey in ay diyaariyeen qorshe dhameystiran oo dalka lagu gali karo, ama lagu qabsado ama leh gorgortan qiimaleh go’yn kara.

 

Qorshahaasi waxa shaaca laga qaadey, markii labadii dawladood ee Ethiopia iyo Somalia ay kudul tashadeen SNM-tii, taas oo maamulkii siyaasiga ee SNM ay ka dhigtey dhidar onkod kiciyey, oo meel u ciirto waayey. Markii Axmed Silaanyo la kulmey hogaamiyihii Ethiopia, Mingiste Xayle Maryam, sida uu sheegey Siilaanyo war uma heyn qorshayaasha dhameyska tiran ee hogaanka ciidanku diyaariyeen, kaas

 

oo ay ku waajahi doonaan xaaladahan cusub. Ahmed Siilaanyo kaliya waxa uu ahaa nin fariin soo qaadey ama awaamir siyaasadeed loo soo xambaariyey(Post-Man).(Taxanihii Taariikhdii Somalida BBC Somali)

 

Lasoco Qeybta 3aad

 

Maxamuud Biixi

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...