Hodanimada Af-Soomaliga.

0
Friday July 10, 2020 - 10:43:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hodanimada Af-Soomaliga.

    W/Q: Cabdirisaaq Darwiish:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish:


Afku waa ka aynu ku hadalno aynu isku fahano waxna isagu sheegno.
waa siduu yidhi Abwaankii weynaa xeeldheerihii aqoonta badnaa Gabyaagii Qarnigii Tegay Xaaji  Aadan axmed (Afqalooc) AHN.

-waa afkaad ku hadashiyo odhaahda liisaane.

Afku waa deeq iyo gallad alle uu ku bantookhay Aadmiga isagoo ugu manno sheegtay Ayuu eebe weyne yidhi  علمه البيان .

markale nimcooyinkii ugu weynaa Ee Nabi Aadam loogu deeqay Eebena ku mannaystay waxa ugu muhiimsanaa inu Af baray oo Af idilkii uu baray waxaanu Eebe yidhi:  وعلم ادم الااسماء

Dadyoowga Dunida ku nooli way ku kala duwan yihiin magacyada uu leeyahay Afku.

Soomaalida: (Af) baynu tidhaahdaa iyo Qaar badan oo kamid qolyaha kushitiga ah ee ku nool geeska afrika.

Oromadu: (Afaan) ayey yidhaahdaan afka
Canfartuna:(Af) ayey yidhaahdaan sida soomaalida.

Carabtu:  لسان ayey yidhaahdaan.

Halka kuwa gaaladuna gaar ahaan kuwa ku hadla ingirisidu ay (Language) ay u yaqaaniin Afka.


Afku waa qalabka lagu fikiro, markale afku wuxu kamid yahay qalabka iyo Aalladaha culus ee dirirta iyo dagaalada loo isticmaalo, taana waxa cadeeyey Abwaankii weynaa geeraarshihii caanka ahaa Salaan maxamuud Xirsi( Salaan carrabay AHN). Waana kii lahaa:

-Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara.

Bal hadaba si aynu u ogaano in afkani hodan yahay bal ila fiiri gundheeri baaxadiisa iyo Erey badnaantiisa uu dheeryahay kuwa lajaalka ah.

Tusaalaha 1aad:

Marka aynu ka hadlayno wax si wada jira looga wada faaloonayo waxa aad isticmaali kartaa intan oo dhan.

-Gorfeyn
-Lafogur
-Faaqidid
-Faalayn
-Falkin.

Tusaale 2aad:

Marka aad rabto in aad af somali ku sheegto socod ama orod waxaad adeegsan kartaa ereyadan kuwaas oo ku tusaya in afku hodan yahay.

-Roor
-carar,
-fako
-kadlee
-cagaha wax ka dey
-isgan
-Naydheh
-xuf dheh
-isasii daa
-Big dheh
-Jaf dheh
-Jalaw dheh
- Bilig dheh
- Bood
-Baxso
-Jordho
-Huleel
- kasii daa.

Tusaale 3aad:

Mar aad rabtid in aad ka hadasho xili dhaxan ay jirto waxaad adeegsan kartaa ereyadan kuwaas oo kuu cadaynaya in aad dhamaantood aad wax isku mid ah aad u wada isticmaali kartid.


-Coolli
-Dheel
-Juube
-Haamaday
-Gabadano,
-Dimiq
-Gabayoox
-Gamboob
-Qajaje.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...